Wasiir Cukuse Oo Ka Hadlay Is-Casillaadda Wasiiradda Shaqada ka Tagay Maanta

 

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta JSL mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo imika goor dhawayd saxaafadda ugu waramayey Hargeysa ayaa waxa uu ka hadlay is casilaadda xubnaha badan ee maanta iska casillay xukuumadda Kulmiye, isaga oo sheegay in ay ku lug leedahay loolanka Kulmiye.

 

Wasiirka oo arrintaa ka hadlaya ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, “Sida aad ka arkayseen ama dhaqdhaqaaqa la socoteen waxa abuurmay jawi woxogaa adag oo aannu ILLAAHAY ka baryayno in uu innoo sahlo oo aannay nabadgelyada iyo qaranimada Somaliland saamayn ku yeelanin, jawigaasi waxa uu ka dhashay khilaaf qabashada shirweynaha oo musharixiinta ku tartamaysa iyo inta kala taageeraysa iyo xukuumadda dhexdeeda oo uu saamayn ku yeeshay”

 

Mudane Cukuse isaga oo ka hadlaya in ay nabadgelyada Somaliland ka weyn tahay wax kasta oo la Kulmiye isku hayo iyo inta is roorsanaysaba waxa uu yidhi “Waad arkaysaan oo wasiirada is casillay way dhacday waxaannu ka shaqaynaynaa in ay dalka nabadgalyadiisu sugnaato oo dawladnimo innoo dhisnaato, shirka golaha dhexe ee Kulmiye iyo Kulmiyaba waxa ka weyn Somaliland. waxaynnu nahay dal, waxaynnu nahay qaran, waynnu u baahanahay marka midi cadhoodo, mid nabadda ilaaliyana in aynnu helno, waynnu u baahanay in aynnu dhammaanteen isku dayno in aynnu suluxa iyo nabadda ka shaqaynno. Waxaannu doonaynaa in aannu jawiga ku soo dabaalno jawi caadi ah, oo qof waliba waxa uu tirsanayo lagu kala baxo cadaalad”

 

“ Waxa aan imika idiin sheegayaa oo kaliya saacaddan imika waxa aannu ka shaqaynaynaa in aannay dalkeenna saamayn ku yeelan oo aynaanu noqon qaar dawladnimadii ka duntay” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiir Cukuse.

Halkan Ka daawo Warkaas Oo Muuqaal ah:

https://www.youtube.com/watch?v=IPpOa_ZdQDk&feature=youtu.be

 

Somalilandpost, Hargeysa Office