Wasiir Cukuse oo dardaaran Waalidnimo u jeediyey Muuse Biixi, xisbiga Kulmiyena ku tilmaamay mid ka sareeya Xisbiyada dhiggiisa ah

Hargays(SLpost)Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi gelinta Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta hadal ka jeediyay Munaasibad xisbiga KULMIYE ku soo dhaweeyay 11 xildhibaan ka tirsan Golaha wakiillada oo ku biiray xisbigaasi, ayaa tallooyin u jeediyay hoggaanka xisbiga KULMIYE.

Tallooyinkaasi oo la xidhiidha mideynta iyo Ururinta xisbiga, waxa uu Wasiir Cukuse ku lifaaqay , Hambalyo iyo soo dhaweyn uu sheegay in Madaxweynuhu u diray Xildhibaanadaasi.

Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir, ayaa sidoo kale xildhibaanadaasi ku sifeeyay rag miisaan leh oo difaaci kara qaranimada Somaliland, xaqiiqdana taabsiin kara dadka ay naftu u been sheegtay.

“Marka hore waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa Salaan iyo Hambalyo aan idiinka sido Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu ku soo dhaweynayo Xildhibaanadaa ku soo biiray xisbiga Kulmiye, waxaanan idin leenahay soo dhawaada Ayaanloow.Waxaan hubaa inaad tihin rag qaranimada Somaliland difaaci kara oo Ninka naftu beenta u sheegtay runta u sheegi kara” ayuu yidhi Wasiirka Iclaamku.

cakuse

Wasiirka ayaa ku dooday in xisbiga KULMIYE caado soo jireen ah u leeyahay inuu ka heshiiyo murranada dhexdiisa, waxaanu yidhi “Xisbiga Kulmiye haddii uu murmo wuu heshiiyaa waa dhaqan lagu yaqaano, inta yar ee xaal xaalka ahna wuu dhamaysanayaa ee Abti Muusoow dadkan ururi , inkasta oo aan Maxamed Kaahin iyo Cabdiraxmaan Talyanle kula sii dardaarmayo, abti Muusow Masuuliyad baa ku saaran Caawa ee dadkan isku Ururi oo xisbiga mideeya”.

“Waar Galbeedku isma dilaan haddii ay is dilaana dhakhso uma kala baxaane’, xisbiga Mideeya, inuu midoobayo shaki kuma jiro oo uu noqon doono xisbi mideysane’”ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiir Cabdilaahi Cukuse.

Cabdilaahi Maxamed Daahir, waxa kale oo uu tilmaamay in xisbiga Kulmiye uu yahay xisbi Odayaal siyaasadda Rug-cadaadi ku ah leh, kuwaasi oo sida uu carabaabay aan looga baqanayn inay xalin kari waayaan khilaaf kasta oo yimaada.Waxaanu yidhi “Xisbiga Kulmiye waa Xisbi Oday leh oo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Odaygiisa yahay, Muuse Biixi Guddoomiye ka yahay, Maxamed kaahin ku-xigeen ka yahay, Cabdiraxmaan Talyanlena saraakiishiisa sar sare ka mid yahay.”

Somalilandpost.net

Hargaysa