Wasiir Boobe oo ay galaftay xilalkii uu ka qaaday Agaasimaha Tv-ga Qaranka iyo Guddoomiyihii Dawan

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa goor dhawayd xilkii ka qaaday wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland. Waxaa sidaasi lagu sheegay war-saxaafadeed hada ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, waxaanu u dhignaa sidan:

 

War-saxaafadeed:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto madaxweyne No:JSL/M/XILQ/249/1-1280/082012xilka kaga qaadayWasiirkii Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL. Madaxweynuhu:- Waxa uu Digreetadaa ku yidhi:

UJEEDO:XIL-KA QAADIS Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta

MUDANE:Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL. Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilkii aad haysay, si ku meel gaadh ahWasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL, Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, inta aan cid u soo magacaabayo.

ALLAA MAHAD LEH Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.