Madaxweyne Obama Oo Saxeexay Sharci Cusub Oo Amni

Washington, (SLpost)- Madaxweyne Obama waxa uu saxiixay xeer cusub oo Sanetka ay meel mariyeen, si loo xadido dowladda inay uruuriyo akhbaarta telefoonada, taas oo qeyb ka ahayd howlagallada la socodka.Obama

Xeerka xuriyadda ee Mareykanka, ayaan laanta amniga qaranka hadda ay u baahan tahay inay ka hesho warqad fasax ah marka ay telefoon doonayaan inay dhageystaan ama akhbaar ay ka helaan.

Senet-ka Maraykanka ayaa ansixiyey xeer hor istaagaya in xog badan oo telefoon ay uruuriyaan laamaha mukhaabaraadka.

Aqalka wakiillada ayaa hore u meel mariyey talaabadan, taasoo uu hadda sharci ahaan u saxiixi doono madaxweyne Obama.

Marka la fiiriyo sharciga la yidhaahdo USA Freedom Act, xogta ay uruuriso hay’adda amniga qaranka ayaa sii socon doonta, hase yeeshee waxaa hor yaalla xannibaadyo.

Hay’addu waxay tahay inay hesho ruqsad ay ku dhex gali karto xogta telefoonnada muwaadiniinta Ameerikaanka.

Sharciga la dagaallanka argagixisada ayaa dhacay Axaddii, ka dib markii qaar ka tirsan xubnaha xisbiga Jamhuuriga ay hor istaageen in la sii dheereeyo.

Aqalka cad ayaa cambaareeyey oo ku tilmaamay guul darro mas’uuliyad xumo ah tallaabadan.

Somalilandpost.net