Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo Hawl-wadeenno Caafimaad u kala dirtay Gobollada Dalka

Hargeysa, (SLpost)- Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland ayaa  gobollada dalka u kala dirtay kooxo hawl-wadeenno Xannaada Xoolaha ka tirsan oo xanuunada xoolaha ku dhaca kasoo tallaali doona deegaanada uu dalku ka kooban yahay.

Wasiirka Xannaanda Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo ka hadlay ujeedada ay dhakhaatiirta xoolaha ee ka hawlgalaya gobolladu ay salka ku hayso ayaa sheegay in shanta gobol ee loo dirayo hawlwadeenadan ay kala yihiin Maroodi-jeex, Awdal, Saaxil, Togdheer iyo Sool.

 Dr. Cabdi Aw Daahir oo ka hadlayey arrintaasi waxa uu intaas ku daray in gobollada Sanaag iyo Sool iyaga mashruuc gaar ah oo loogu talogalay, dhawaana loo diri doono, kuwaasoo wax lagaga qabanayo barnaamijyada caafimaadka xoolaha maadaama labadaa gobol ay saamayn wayn ku yeelatay abaartii dalka ka dhacday.

Kooxahan hawlwadeenada ee Xanaanada Xoolaha ka socda oo ka ambabaxay xarunta xannaanada xoolaha ee Hargeysa, ayaa ugu horreyn wasiirka oo hadal kooban ka jeediyey, isla markaana dardaaran u jeediyey shaqaalahaas, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay. “Wasaaradda Xanaanada Xooluhu waxay maanta diraysaa wareeggii shanaad ee kooxo dhakhaatiir xanuunada xoolaha ka soo talaalaya oo loo dirayo shan gobol, waxaanay ka kooban yihiin 10 kooxood, waxaanay qaban doonaan gobolada Awdal, Maroodijeex, Saaxil, Togdheer iyo Sool, waxaanay ku maqnaan doonaan muddo bil ah, bishaa waxay ka soo tallaali doonaan xanuunada xoolaha halista ku ah koritaankooda ama dhoofitaankooda. Waxay ila tahay kooxahaasi tallaalka u baxaya iyo shacbigu inay maanta waayo-arag ku yihiin saaxiibna ay noqdeen shacbiga loo adeegayo iyo hawlwadeenadan hawsha gudagalaya, isla markaana ay labada qoloba garanayaan habka shaqada, dadweynahana waxaan ku boorinayaa inay gacan ku siiyaan shaqaalahan mutadawiciinta ah siday hawsha ugu fududayn lahaayeen ee xoolaha loo soo tallaali lahaa. Shaqaalahana aad iyo aad baan ugu hambalyaynayaa hawshan ay gudagalayaan, waxaana loo baahan yahay meelaha qarfaha ah, buuraha inay xeryihii ugu tagaan xoolaha kuwaasoo talaalaan, mar walba heegan u ahaadaan, runtii waxbadan oo ay qaataan aanu jirin oo ninna reerkiisa waxba uga tagin ee waxa yar ee ay qaataan ay sahay noqoto.” ayuu yidhi Wasiirka Xanaanada Xooluhu.

Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray. “Arrimahan tallaal ha noqoto ama dibu dhiska kawaanada ha noqotee waxay ka mid yihiin hawlaha wax qabad ee in badana la qabtay qaybIna qorshaha ku jirto, xanuunada xoolaha laga soo tallaalayo waxa ka mida, Susumka, Furuqa, Sambabka iyo Samboorka. Gobolka Sanaag isaga waxaa u diyaar ah mashruuc gaar ah maadaama aanay lahayn xanuunada xoolaha ee xuduudda ka tallaaba, isla markaana labada gobol ee Sanaag iyo Sool sida warbixintii u dambeysay sheegtay waxa saamayn wayn ku yeeshay abaartii dalka ka dhacday, markaa mashruuc gaar ah oo ay inaga gacan siinayso hayadda FAO ayaa u diyaar ah, gobolka Sanaag waxa usii dheer todoba warood oo laga hirgeliyo. Tallaalkan maanta loogu baxayo shanta gobol wuxuu u dambeeyey mashruucii la odhan jiray Leesa.”

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Xannaanada Xoolaha Dr. Caga-weyne oo hadalo dardaaran ah u jeediyey hawlwadeenada Xannaada Xoolaha.

Somalilandpost.net

yaasiin_29@rocketmail.com

Berbera, Somaliland