Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo Gobollada dalka u Kala Diray kooxo talaalaya 4 Milyan oo Neef

Hargeysa (SLpost)- Wasaarada Xanaanada Xoolaha ayaa maanta hawl-wadeeno gaadhaya 100 u kala dirtay dhamaan gobolada Somaliland oo muddo laba bilood ah ka soo fulin doonaan talaalka iyo daaweynta xoolo gaadhaya 4 milayn oo neef  cudurka sambabka ee ku dhaca riyaha.

XANNAANADAMunaasibada ambabaxa hawl-wadeenadaa oo  lagu qabtay xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha , kana qeybgaleen Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw-Daahir iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada Dr. Maxamed Maxamuud (Caga-weyne), iyo hawlwadeenada u baxayey hawlaha talaalka ayuu ugu horeyn  Agaasime Cagaweyne oo ka hadlaya sheegay inay maanta u dirayaan hawlwadeeno ka kooban boqol xubnood dhamaan gobolada Somaliland oo hawlo talaalka cudurka furuqa ka soo talaali doonaan riyaha, waxaanu yidhi, “Waxaan maanta  u diraynaa dhamaan gobolada Somaliland hawlwadeeno ka soo fuliya hawsha talaalka cudurka sambabka ee riyaha, waxaanay maqnaan doonaan muddo laba bilood ah.”

Agaasimaha Xanaanada Xoolaha ayaa sheegay maadama wasaaradu u xilsaaran tahay daryeelka caafimaadka xoolaha dalka, tegitaanka hawlwadeenadu la xidhiidho gudashada waajibkeeda, isla markaana sidii sannadihii hore dhowr wareeg samayn doonaan talaalada iyo daaweynta xoolaha dalka, talaalkanina yahay kii ugu horeeyey sannadkan 2014, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa, “Wasaaradan oo u xilsaaran daryeelka xoolaha, diritaanka hawlawadeenadu waxay la xidhiidha gudashada waajibkeeda, sidii sannadihii horena waxaanu samayn doonaa dhowr xilli daaweynta iyo talaalka xoolaha, wakhtigana waa markii koowaad sannadkan 2014.”

XANNAANADA XOOLAHAWasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw-Daahir oo ambabixintii hawlwadeenada ka hadlay ayaa u soo jeediyey madaxda gobolada, degmooyinka dalka iyo guud ahaan shacabka inay soo dhoweeyaan hawlwadeenadan u socda daryeelka caafimaadka xoolaheena oo ah lafdhabarka dhaqaalaha dalkeena, waxaana hadalkiisi ka mid ahaa, “Maadama xoolahu yihiin lafdhabarka dhaqaalaha dalkeena, waxaan u soo jeedinayaa madaxda gobolada, degmooyinka iyo guud ahaan shacabka Somaliland inay soo dhoweeyaan hawlwadeenadan u socda daryeelka xoolaheena,”

Dr. Cabdi Aw-daahir ayaa raaciyey, isagoo la hadlaya bulshada xoolo-dhaqatada, inkastoo hawlwadeenadanu sitaan sahaydoodii, oon badnayn, haddana, waxba xoolo haw qalinee, ku dedaala inaad xoolahiina u keentaan, si aynu u helo xoolo caafimaad qaba.

Ugu dambayn, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw-daahir ayaa gudoonsiiyey shahaado sharaf loogu talo-galay saddexdii kooxood ee kaalimaha wanagsan ka galay talaalkii ugu dambeeyey ee wasaaradu qabato, iyo gobolkii kaalinta koowaad galay.

SOMALILANDPOST.NET