Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha oo eriday dhakhaatiirtii baadhi jirtay xoolaha loo dhoofiyo wadamada khaliijka ka dib markii dhawaan lasoo celiyey labo markab oo geel ah

Hargeysa (SLPOST)Xili Muddo Bil Gudaheed Ah Xoolo Ka Dhoofay Maxjarka Aljaabiri  Ee Magaalada Berbera Dib Looga Soo Celiyayay Magaalada Jidah Ee Dalka Sacuudi Carabiya  Ayaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland

download (9)

Dr Cabdi Awdaahir Oo Mudo Labaatan Cisho Ku Dhaw Joogay Magaalada Berbera Si Uu Ugu Kuur Galo Sababta  Xoolahaasi Loo Soo Celiyay Oo Lagu Sheegay  Xanuunka Geela Ku Dhaca Ee Brucella Ayuu Wasiirka Xanaanada Xoolahu Maalintii Shalay Uu  Shaqadii Ka Joojiyay  Lix Dhakhtar  Oo Ahaa Kuwa Ugu Khibrada Badan Caafimaadka Xoolaha Iyo Baadhistoodab, Dhakhaatiirtan Ayaa  Isugu Jiray Ku Sodon Sano Shaqaynayay Iyo Kuwo Afartankii Sano Ee U Danbeeyay Wasaradaa U Shaqaynayay Xanaanadsa Xoolaha Waxabarasho Dibadeed Iyo Mid Gudeedba Lahaa Laguna Tilmaamo Ragii Rukumada U Dhigay Macjarka Aljaabiri  Dalkana Ka Saaray Xiligii Ay U Xumayd  Ee Xoolaha Somaliland La Joojiyay Kuwaasoo Aqoontoodii Iyo Tacabkoodiiba Iskugu Geeyay Inay Caafimaadiyaan Xoolaha Hubiyaan/Ilaaliyaan.

Dhakhaatiirtan Ayaa Magacyadoodu Kala Ahaayeen Sidan

1- Dr Hussein Aden Abdilahi

2-Dr Ahmed Abdilahi Ismail

3-Dr Hussein Abdi Hassan

4-Dr Omar Aw Osman Buh

5-Dr Mohamed Suleiman Mohamed

6-Dr Omar Mohamed Haji Aden

Qoraalka Lagu Eryay Dhakhaatiirtan Ayaa Sidan U Qornaa Waxaanu Kasoo Baxay Xafiiska Isuduwaha Xanaanada Xoolaha Ee Gobolka Saaxil.

 “Anigoo Tixgalinaya Codsiga Maamulaha Iyo Maareeyaha Maxjarka Al Jabiri  Isla Markaana Fulinaya Amarka Wasiirka Ee Ah In Laga Bedelo Dhakhaatiirta Ay Macjarku Codsadeen, Waxaan Halkan Kusoo Gudbinayaa  Magacyada Dhakhaatiirta Shaqada Maxjarka Laga Faddhiisiyay Maanta Oo Taaariikhdu Tahay 20/4/014 Mudanayaal Waxaann Idinka Codsanayaain Aad Ka Shaqo Gashaan Goobihii Aad Hore Uga Shaqayn Jirteen, Waxaana Xusid Mudan In Aad Dhamaantiin Tihiin Aqoontii Iyo Khibradiiwasaarada,Macjarkana Aad Tihiin Ragii Dhidibada U Taagay, Sidaa Daraadeed Wixii Mushahar Iyo Xuquuq Aad Yeelanaysaan Waxaa Dabal Ku Samaynaysa Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Maamulka Macjarkuna Wu Balan Qaaday In Ay Si Dhaqso Ah U Bixiyaan Talabadan Uu Qaaday Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somalilad  Dr Cabdi Awdaahir Xal Ma U Noqon Doontaa Dhibaatadii Dhanka Xoolaha  Ee Mudooyinkan Danbe Soo Food Saartay Ganacsatada Xoolaha Dhoofisa, Dhanka Kalena  Ma  Jirto Wasiirku Go,Aan U Ka Qaatay Cida Lasaarayo Khasaarihii Soo Gaadhay Ganacsatada, Arinkan Ayaa Waxa Fursad Wayn Ka Helay Macjarka Wadaniga Ah Ee Indho Deero  Oo Mudadii Xanibaadu Jirtay  Ay Ganacsatadii Xoolaha Dhoofinaysay Ay Ku Dhakhtariyeen Xoolahooda  Macjarkaa Mana Jirto Wax Xoolo Ah Oo Lagu Soo Celiyay Maxjarka Wadaniga Ah Ee Indho Deero