Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo ka fal-celisay Eedayn uga timi Shirkadda Hema Books

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, ayaa jawaab ka bixiyey eedaymo uga yimi Shirkadda Hemo Books oo dhawaan laga wareejiyey Daabacadda Manhajka Waxbarashada ee Dalka oo ay muddo dhowr sanno ah gacanta ku hayeen.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa maalintii shalay shaacisay inay masuuliyadda daabacaadda Buugaagta Manhajka Waxbarashada Qaranka ku wareejisay Madbacadda Qaranka oo isla Salaasaddii shalay munaasibad wasiirka Waxbarashadu goob-joog ka yahay hawshan loogu wareejiyey Madbacadda Qaranka.

Shirkadda Hema Books ayaa go’aanka wasaaradda kaddib warbaahinta la hadashay, waxaanay tallaabo aan laga fiirsan oo lagu deg-degay ku tilmaamantay in laga wareejiyo masuuliyadda daabacadda Buugaagta Manhajka waxbarashada oo xukuumaddii hore ee madaxweyne Siilaanyo ku wareejisay.

Haddaba, masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda waxbarshada iyo Sayniska Somaliland oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa ka jawaabay eedaymaha uga yimi shirkadda Hemo Books, waxaanay sheegeen in aanay waxba ka jirin eedaymaha ay shirkaddu u jeedisay wasaaradda waxbarashada iyo sayniska.

Waxa ay sheegeen in wasaaradda waxbarshada iyo saynisku ay heshiis kula galeen shirkaddaasi sannadkii 2016-kii daabacaadda manhajka dugsiyada hoose iyo kuwa sare ee dalka, waxayna ay tilmaameen in wasaaradda waxbarashada iyo saynisku ay xaq u leedahay, isla markaana ay u dhawrantahay xuquuqda manhajka waxbarasho ee Somaliland, taas oo sharcigu siinaayo in ay dib u qori karto.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadallada Masuuliyiinta wasaaradda Waxbarashada ee ka hadlay eedaymaha HEMA BOOKS.