Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Farriin u dirtay Dugsiyada dalka

Axmed Abokor, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, ayaa dugsiyada waxbarasho ee dalka ka jira ugu baaqday inay u hoggaansamaan hab-raacii ay wasaaraddu u jidaysay la-dagaalanka iyo ka-hortagga Xannuunka Covid-19 oo dib u soo laba-kacleeyey.

Axmed Abokor, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Abokor Maxamed, waxa uu Dugsiyada waxbarashada ugu baaqay in ay ku dhaqmaan Habraacii Wasaaradda Waxbarashada iyo Gudiga la dagaalanka Covid 19 ay u dhegeen in xannuunka lagu xakameeyo.

War kooban oo uu Agaasime Axmed Abokor soo saaray maanta, waxa uu ku sheegay in loo baahan yahay fulinta talabooyinkaas caafimaad, maadaama oo uu xannuunku adduunka ku soo laba kacleeyay, waxanu intaas ku daray in masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada ee goboladu ay masuul ka yihiin fulinta arrintaas.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland waxa uu sheegay in aanay jirin wax fasax ah oo wakhigan ay gelayaan ardaydu, isla markaana ay sideedii hore u soconayaan waxbarashada Dugsiyadda kala duwan ee dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net