Wasaaradda Waxbarashada oo Ku Hawlan Qorshe lagu Kala Haadinayo Jaamacadaha Tiro-beelay ee Ka Jira Dalka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa shaaca ka qaaday in guddida Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashadu ay wadaan Qorshe dib u habayn loogu samaynayo jaamacadaha dalka ka jira isla markaana Albaabada loo laabayo Jaamacadaha aan buuxin shuruudaha looga baahan yahay Jaamacadda.

Samsam Cabdi AadanMarwo Samsam Cabdi Aadan oo Maanta xafiiskeeda ugu warrantay telefishanka HCTV, waa ay heegtay in dib u habayn lagu samaynayo jaamacadaha dalka.

“Waxaan aad uga waryahay iyagoo markii hore shuruucda jaamacnimo xushmaynayey oo ku maamulayey, tabobabaro badanna loo furay iyaga laftigoodii, shaqo badanna ay qabteen, maanta (shalay) waxay nagu wargeliyeen jaamacaddo qaar ka mid ah la xidhayo lagu heshiiyey, waayo haddii ay ka soo bixi waayeen,  waayo jaamacadaha arday-baa lacag laga qaadaa, in digniin la siiyo oo wixii ka dhiman waqti ku hagaajiyaan ayey ahayd,”

Wasiirka oo hadalkeeda sii wadata waxa ay tidhi, “Marka taa la isla afgarto ee in aanay wixii ka soo bixi karayn iyaganna halkooda ka timaado ama dhaqaale ha keento, oo jaamacaddaha qaar-baa dibaddaha ku xidhan, halkii wixii dibaddahana ka soo bixi waayaan in ardaydiina meel loo hello.”

Wasiiradu waxa kale oo ay sheegtay inay 18-May ardayda jaamacadaha iyo Dugsiyada dalku ka qaybqaadan doonaan debbaal-degga maalintaas, waxaanay tidhi, “Somaliland caam-ahaan dibad iyo guda-ba 18-May si weyn ayay ugu dabaal-degaan, xoogagga ugu badan ee maraa waa ardayda. Waxaan xasuustaa Burco dhowr iyo toban kun oo arday ah ayaa maray sannadkii tagay, halkanna diyaar-bay yihiin inay maraan oo ardayda jaamacadaha iyo kuwa dugsiyada Sare ayaa maraya.”

Somalilandpost.net