Wasaaradda Waxbarashada oo kafaalo-qaadday Waxbarashada Gabadh da’da yar ah oo Tacaddi lagula kacay

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashadda ee Somaliland ayaa maanta shaacisay inay kafaalo-qaadday Waxbarashada Ayaan Yuusuf Maxamed oo ah gabadh da’a yar oo haweenay ay qaraabo ahaayeen oo ay ushaqaynaysay ka duubtay muuqaal ay ugu hanjabayso oo baraha bulshada lagu baahiyey, taas oo sababtay in bulshadu si dareen leh uga fal-celiyaan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Maxamuud Diiriye Toorno oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda, ayaa qaabbilay Ayaan Yusuf Maxamed, waxaanay u ballan-qaadeen in dowladdu bixinayso dhammaan qarashaadka Waxbarasho ee Ayaan Yuusuf oo xilligan ka halw-gasha Baanka Dhexe ee Somaliland oo shaqalaysiiyey.

“Ayaan sababta aynu u qaabilay waxa weeyi, in waxbarshadeeda ay wasaaraddu dammaanad qaaddo, ilaa markay bilawdo ilaa markay dhamayso, Meesha ay iyadu ka gaadho, barigii dhawayto ee aynu warbaahinta ka daawanay, waxyaabihi ay la kulantay oo laga yaabo in ay cidkalena ku dhacaan, inagoo carruurta Somaliland oo dhan masuul ka ah, haddana kuwa uu dhib lasoo darso damqashadeeda ayaynu leenahay,” Sidaa waxa yidhi wasiirka waxbarashada Somaliland.

Wasiir Toorno waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay in meel looga soo wada-jeesto oo lala dagaalamo tacaddiyada ka dhanka ah carruurta, waxaanu yidhi, “Dhammaan reer Somaliland waxaanu ka rejaynaynaa in aynu la dagaalano oo aynu joojino cidkasta oo tacaddi ku samaynaysa carruurta iyo qofkasta oo jilicsan. Ayaan, waxa aynu ka rejaynayaa in marka ay waynaato ee ay waxbarashada dhammayso ay ka shaqayso sidii ay ugu gargaari lahayd carruurta aan fursad u helin waxbarashada”.

Qoyska gabadha da’da yar ayaa dowladda uga mahad-celiyay deeqda waxbarasho ee ay u fidisay gabadhooda Ayaan. “Sidaad wada aragteen, Ayaan, gabadh qoyskeeda ah ayay dhibaato kasoo gaadhay, maanta waxaanu joognaa wasaaradda waxbarashada, wasiirku wuxuu balkan-qaaday in waxbarasho bilaasha uusiin doono, is garabtaaga ay wasaaraddu is garabtaagtay, iyadoo markii horena ay dawladu is garabtaagtay oo baanka shaqo laga siiyay, aad iyo aad baanu ugu mahadnaqaynaa wasiirka waxbarshada,” Sidaa waxa yidhi Shaafici Ciise oo ah Ayaan abtigeed.

Xukuumadda Somaliland ayaa Baanka Dhexe ka shaqaalaysiisay Ayaan Yuusuf maalmo kadib markii ay tacadiga la kulantay, iyadoo gabadhii tacadiga kula kacday oo lagu magacaabo Samsam Kaahin na xabsiga loo taxaabay iyadoo waajahaysa eedaymo la xidhiidha ku tacaddi xuquuq carruurta.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net