Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixisay ujeeddada socdaal ay dalka ku yimaaddeen laba sarkaal oo ka socda xafiiska Raysalwasaaraha dalka Turkiga, isla markaana beenisay inaanay wasaaraddu ka war qabin imaanshiyaha labada sarkaal.
Agaasimaha Tacliinta sare oo maanta gelinkii dambe xafiiskiisa shirjaraaid ku qabtay, ayaa sheegay in aanay jirin saraakiil ka socda dalka Turkiga oo aanay la socon wasaaradda waxbarasho, isla markaana wuxuu sheegay inuu dhowaan dalka Imanayo Ra’iisalwasaare ku-xigeenka Turkigu isagoo arrinta ka hadlay wuxuu yidhi “Waad ogaydeen inay dawladda Turkigu in siisay deeq waxbarasho oo bilaash ah oo ay hore u siiyeen ardaydeena oo gaadhayey ilaa dhawr iyo soddon arday oo intii kalena waanu ka sugaynaa . Dawladda Turkigu siyaabo badan ayay u bixiyaa deeqaasi oo waxa ka mid ah oo dorraad inoo yimi oo halka inala jooga laba sarkaal oo ka tirsan xafiiska Ra’iisalwasaaraha ku-xigeenka Turkiga oo yimi dalka,kuwaasoo oo qaabilsanaa qaybta deeqda ee waxbarasho Turkiga.”ayuu yidhi Agaasimaha tacliinta sarre Khaddar Axmed Diiriye
Agaasimuhu wuxuu sheegay inay wasaaradda waxbarasho la socotay labada sarkaal ee dalka yimi “Labada sarkaal ayaa dalka yimi oo runtii waa sarkaalkii waddanka timi oo waa lala socday oo ardayda ay ku qaadeen Interview-ga waxay ku qaadeen hodheelka Ambassador wasaaradduna way la socotay oo aniguna galinkii dambe markii ay galinkii hore dhammeeyeen ayaanu gelinkii dambe ugu tagnay meesha oo saakana waxay noogu yimaadeen halkan aniga iyo Wasiirka oo maanta kow iyo tobankii ayay baxayeen. Markaa warbaahinta qaar waxa ku qoran in aanay wasaaraddu aanay war-baa u ahaynin karna warhaynin oo taasi runtii sixitaan-bay u baahantahay. Marka runtii labada sarkaal Online ayay ku qaadayeen,marka ay dhammeeyaana waxay yidhaahdeen ilaa kun arday ayaa soo codsaday ilaa 20% meelaha ayaanu halkan ku qaadnay oo Somaliland iyo Puntland isugu jiraa markaa ardaydii Puntland waxay yidhaahdeen taga Hargeysa intii ay tagi lahayeen Muqdisho.”
Agaasimaha tacliinta sarre waxa kale oo sheegay in guud ahaan-ba si wanaagsan uga qarsoonta dalka imtixaankii shahaadiga “Guud ahaanba sida aad la wadda socotaan waxa dhammaaday imtixaankii shahaadiga ahaa ee jamhuuriyadda Somaliland. Anigu waxaan ahaa qoladdii oo masuuliyiinta Jamhuuriyadda Somaliland waxay u kala baxeen daafaha waddanka oo dhan oo Berigii hore Hargeysa oo kaliya ayaanu kantarooli jirnay, laakiin nin waliba sannadkan oo masuuliyiintu way baxeen oo anigu waxaan maray Saraar, Sanaag iyo Badhan oo intaba waan taggay oo waxaan ku maray kormeer guud oo imtixaanka ah oo si wanaagsanna way u dhaceen. Sidoo kalena waxaan u kuurgeliyey tacliinta sarre ee goboladda Beri oo jaamacadda Sanaag university iyo Maakhir oo Badhan ku taala oo labaddaba waan soo eegay oo si wanaagsan way u socota oo waxayna u baahantahay Somaliland ahaan in aanu caawimo wanaagsan u fidno goboladda si kor loogu qaado aqoontooda iyo waxbarashadooda.”
SOMALILANDPOST.NET
webmaster@somalilandpost.net