Wasaaradda waxbarashada oo Arday Deeq waxbarasho ugu diraysa dalka Sudan, kana hadashay Arday Somaliland ah oo ku go’doonsan magaalada Muqdisho

Hargeysa, 15 February, 2012 (SLpost)- Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cali Xaamud Jibriil ayaa caddeeyay in todobaadkan ay dalka Suudan u diri doonaan 13 arday oo ka mid ah 50 arday oo sugayay deeq waxbarasho oo ay dawlada Turkigu u fidisay ardayda Somaliland, isaga oo dhinaca kalena ka hadlay Arday ku go’doonsan magaalada Muqdisho oo loo qaadi lahaa Deeq Waxabarasho.

Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada oo warbaahinta u waramayay ayaa sheegay in ardaydani ay wax ku baran doonaan jaamacad ku taala dalka Sudaan isla markaana ay dawlada Turkigu kafaalo qaadday kharashaadka ku baxaya mudada ay waxbarashada ku jiraan, waxaa kale oo  uu tilmaamay wasiir ku xigeenku in ardayda soo hadhay ay iyana dhawaan bixi doonaan isagoo intaas ku daray inay hore Turkiga u tageen 35 arday oo reer somaliland ah kuwaas oo haatan wax ka barta jaamacado ku yaala dalkaasi.

Mudane Cali Xaamud Jibriil waxaa kale oo uu ka hadlay Konton arday oo somaliland ah oo ku hungoobay Magaalada Muqdisho ee dalka Somalia kuwaas oo qorshahoodu ahaa inay ka mid noqdaan Arday Soomaali ah oo Dalka Turkigu deeq waxbarasho u fidiyey.

Wasiirku waxa uu sheegay in ardaydaas iyo waalidiintoodu ay go’aansadeen inay halkaasi tagaan iyagoo aan wax ogolaansho ah ka haysan wasaaradda waxbarashada, waxaanu intaas ku daray in qaabka ay u baxeen ardaydaasi aanay wasaaradu waxba kala socon isla markaana ay qaar ka mid ahi dalka dib ugu soo laabteen.

Somaliland Post

contact@somalilandpost.net