Wasaaradda Waxbarashada JSL oo Qabatay Kulankii u horreeyey ee Guddiga Waxbarashada Degmooyinka Dalka

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska JSL ayaa maanta markii ugu horeysay qabatay Kulanka Guddiyada Horumarinta Waxbarashada ee Degmooyinka dalka

Guddiyadan oo uu jideeyey Xeerka Waxbarashada Qaranku, isla markaana uu dhawaan magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md.Axmed Maxamed Diiriye ayaa ka dhisan 23ka Degmo Doorasho ee Somaliland.

Shirkan oo uu madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil si rasmi ah u furay ayaa ugu horeyn, waxa munaasibadaa faah’faahin ka bixiyey agaasimaha waaxda maamul-wadaagga waxbarashada Md.Cabdiraxmaan Maxamed Axmed waxaanu ku dheeraaday muhiimada balaadhan ee guddiyada horumarinta waxbarashadu u leeyihiin hagaajinta, kobcinta iyo horumarinta waxbarashada dalka.

Agaasimaha guud ee WW&S Md.Axmed Abokor Maxamed oo munaasibadaa ka hadlay ayaa sharaxay ujeedada ka danbaysa dhismaha guddiyada horumarinta waxbarashada degmooyinka dalka iyo waxyaabaha laga filayo in ay ku soo kordhin doonaan waxbarashada Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md. Axmed Maxamed Diiriye oo halkaa ka soo jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa hogatusaaleeyey faa’iidooyinka ka dhalan kara dhismaha guddiyadan horumarinta waxbarashada degmooyinka iyo sida loogu baahan yahay in bulshadu uga wada qayb qaadato horumarinta Waxbarashada.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Md. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa isaguna aàd u bogaadiyay dedaallada hoorumarinta Waxbarashada, isaga oo aad u ammaanay hoggaaminta Wasiir Axmed-Toorno ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL.

Ugu danbayn, Madaxweyne-Kuxigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa madaxda wasaaradda waxbarashada ku hambalyeeyey dedaalada balaadhan ee ay ku horumarinayaan nidaamka waxbarashada dalka, waxaanu kula dardaarmay ka soo qayb galayaasha in ay si mug leh iskula lafaguraan muddada seddexda maalmood ah ee shirkani socdo.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net