Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta oo si Rasmi ah ula Wareegtay Waaxda Dhaqanka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkada Wasarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta Somaliland  Mudane Abiib Diiriye nuur  ayaa shalay Si Rasmi ah Ula wareegay  Waaxda Dhaqanka oo Horay Uga Tirsanayd  wasarada Dhalinyara Iyo Ciyaaraha.

Xaflad  shaqaalaha  iyo maamulka Waaxda dhaqanka  loogu  wareejinayay  wasaaradda warfaafinta oo lagu qabtay Huteel Maansoor, waxa ugu horayn ka hadlay wasiirka wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada Md Cali siciid Raygal, waxaanu sheegay in tirada  waaxda dhaqanka ee ay ku wareejinayaan  wasaarada warfaafinta  afar iyo sideetan qof oo isugu jira Maamul, Abwaaniin, Heesaa, Jilaa, Muyuusishan, ilaaliyayaal iyo  Darawaliin.

Wasiirku waxa uu   tilmaamay inuu ku faraxsan yahay  in uu Fanaantii Qaranka ku wareejiyo halkii ku haboonayd ee ay hawshooda ku gudanayeen, Waxaanuu xusay in  fanaaniintu ay yihiin Astaantii Qaranka isla markaana ay dhawrsoonaan gooni ah leeyihiin.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka  iyo Wacyi-gelinta  Md Abiib Diiriye Nuur, oo isna halkaasi ka hadlay  ayaa waxa uu sheegay in  Bah’da Fanku ay kaalin Mug leh ka soo qaateen halgamadii kala duwanaa ee dalkani soo Maray,Waxaanu tilmaamay  in ay xuquuq badan ku leeyihiin dalka, wasiirku wuxuu balan qaaday in ay dedaal u geli doonaan  sidii  loo soo celin lahaa karaamadii iyo sharaftii ay lahaan jireen Fanaaniinta Qaranku iyagoo ilaahay la kaashanaya.

Mudane Abiib Diiriye Nuur waxa uu ka dalbaday bah’da Fanka ee ku soo biirtay Wasaarada Warfaafinta oo ay ka mid ahaayeen  in ay iyana Samir u yeeshaan mudada ay isla jaanqaadayaan.

Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay Abwaaniinta  Axmed Saleebaan Bidde iyo Cali Caateeye, iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada cayaaraha iyo dhalin yarada Mustafe Qodax.

Somalilandpost.net/Hargeysa