Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta J/S Oo Qorshaynaysa In Radio Hargeysa Mawjadda FM-ta laga Dhegaysto Boorame

Boorame(SLpost)-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md. Cabdirashiid Jibriil Yuusuf ayaa maanta booqasho muddo kooban qaadatay ku yimid magaaladda Boorama.

Radio Hargeysa

Agaasimaha Guud waxa Booqashadiisan ku wehelinayay Eng. Siciid Aamiin Gadiid oo ka mid ah injineeradda wasaaradda warfaafinta.

Isuduwaha Warfaafinta ee gobolka Awdal Md. Abokor Xasan Caafi ayaa saxaafadda u sheegay in socdaalka Agaasimaha guud ku tagay Boorame ay qorshe ay wasaaradu ku doonayso in idaacadda Radio Hargeysa mawjada fm-ka laga hirgeliyo Boorame.

RADIO HARGEYSA (7)
“Waxa uu Agaasimuhu u yimid sidii loogu gogol xaadhi lahaa in idaacada Radio Hargaysa looga dhigi lahaa mid ka hadashay mawjada FM-ta oo gudaha Boorama ah, waxana uu kulano la yeedhay shirkadaha kala duwan ee isgaadhsiinte ee ka hawl gala Boorama, waxana aan u mahadnaqayaa Shirkada SOMTEL oo noo ogolaatay inay noo fududayso sidoo FM-ta Radio Hargaysa looga dhigi lahaa mid laga hirgeliyo Boorama, waxana hadii Eebe Idmo qorshaysan in 15 Maalmood gudahood lagu hir galiyo isku daygan ah dhinaca FM-ta,”ayuu yidhi Isku duwe Abokor Xasan Caafi.

RADIO HARGEYSA (11)

Isuduwe Caafi waxa uu qiray in Agaasimaha Guud ee W/Warfaafinta iyo Wasiir Cakuse ay yihiin masuuliyiintii ugu horaysay ee dadaal geliya in FM noocan oo kale ah laga hir galiyo Boorama, waxana uu tallaabadan ku tilmaamay mid dhabada u xaadhaysa in dadka reer Boorama ay ku xidhnaadaan Idaacada Radio Hargaysa ee Xukuumada iyo Mida Quraanka Kariimka ah, taasina ay noqonayso tallaabo muhiim ah.
Waxa kale oo iskuduwaha Wasaaradda Warfaafintu uu tilmaamay in degmooyinka gobolka oo dhan laga dhegaysto idaacada Radio Hargeysa.

Somalilandpost.net