Wasaaradda Shaqo-gelinta oo Ciidanka Booliska iyo Xeer-ilaalinta ku tabobaraysa Ka-hortagga Tacaddiyada Haweenka & Carruurta

“Haddii aan laysu iman oo wixii khibrad cusub ee tabobarro u baahan laga wada-hadal, waxa dhacaysa inaynaan si wada-jir ah wax uga qaban Karin hawsha aynu ka wada-shaqaynayno ee ku aaddan sidii wax looga qaban lahaa dambiyada ka dhacaya dalkeena iyo Ciddii sharciga khilaafaysa” – Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan, ayaa maanta magaalada Hargeysa ka furay tabobar ku saabsan ka-hortagga Tacaddiyadda ka dhanka ah Haweenka iyo Carruurta iyadoo sharciga dalka lagu dabbaqayo.

Tabobarka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqo-gelinta isla markaana socon doona muddo saddex maalmood ah, waxa duruusta lagu dhigayo ka faa’idaysanaya xubno ka socda Ciidanka Booliska, Laanta Dambi-baadhista, Xeer-ilaalinta Qaranka oo wada-shaqayn ka dhaxayso Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada.

Ciidanka Booliska, Laanta Dambi Baadhista, Xeer-Ilaalinta Qaranka, Daryeelayaashada Bulshada ee Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, ayaa si dhow isaga kaashada wax-ka-qabashada iyo isku-dubaridka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka, Carruurta iyo dhammaan Kooxaha u nugul tacaddiyada.

Furitaanka kulanka aqoon-isweyndaarsiga ah, waxa ugu horeyn hadal ka jeedisay agaasime waaxeedka Qoyska ee Wasaaradda Muna Ciise oo sheegtay in muhiimadda aqoon-isweydaarsigani tahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta Ciidanka Booliska, gaar ahaan Laanta Dambi-baadhista iyo sidoo kale Xeer Ilaalinta Qaranka, kaas oo khuseeya ka-hortagga xad-gudubyada lagula kaco Haweenka, waxaanay xustay inuu daba-socdo tabobarro ay wasaaraddu hore u qabatay.

Madaxa tabobarrada Ciidanka Booliska Gaashaanle Cabdiwaaxid Nuur Axmed, ayaa dhankiisa tilmaamay muhiimadda ay tabobarada noocan ahi u leeyihiin Ciidanka Booliska, waxaanu xubnaha metelaya Ciidanka ee kulanka ka qayb-galay kula dar-daarmay inay ka faa’idaystaan duruusta loo dhigayo isla markaana ay shaqadooda ku dabbaqaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Md Cabdirashiid Ibraahim oo ka hadlay muhiimadda tabobarka, ayaa sheegay inuu kulamada noocan ahi qayb ka yihiin sii xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Wasaaradda iyo hay’adaha ay wada-shaqaynta  leeyihiin ee ku saabsan xakamaynta danbiyada ka dhaca dalka iyo wax-ka-qabashada xad-gudubyada ka dhanka ah shuruucda dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Qoyska Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan

“Haddii aan laysu iman oo wixii khibrad cusub ee tabobarro u baahan laga wada-hadal, waxa dhacaysa inaynaan si wada-jir ah wax uga qaban Karin hawsha aynu ka wada-shaqaynayno ee ku aaddan sidii wax looga qaban lahaa dambiyada ka dhacaya dalkeena iyo Ciddii sharciga khilaafaysa,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland oo intaas ku daray in tabobarrada ama kulamada noocan ahi kobcinayaan heerka Aqooneed iyo wada-shaqaynta ay Wasaaraddu la leedahay Ciidanka Booliska, Waaxda Dambi-baadhista iyo Xeer-ilaalinta ee dalka.

Agaasimaha Guud ee oo ka hadlayey muhiimadda ugu weyn ee xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Wasaaradda iyo hay’adaha xidhiidhku ka dhexeeyo ee tabobarka ka qayb-galay, waxa uu yidhi, “Ujeeddadayadu waxay tahay sidii dalkeennu u noqon lahaa mid Cid waliba, cid nugul iyo cid xoogweyniba, si sharciga waafaqsan ay dalkeenna ugu noolaan lahayd.”

Md Cabdirashiid Ibraahim oo ka hadlayey hannaanka wada-shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha tabobarka loo furay, waxa uu yidhi, “Annagu waxaanu leenahay daryeelayaal-bulsho, kuwaas baa wixii dhibaato ah soo gudbiya, hay’adaha dambi-baadhista ayaanu la wadaagnaa, boolisku iyagaa shaqadooda qabsada, Xeer-ilaalintuna iyadaa wixii dambi ah ku soo oogta ciddii sharciga khilaafaysa, markaa wada-shaqayntaas ayuunbaynu sii xoojinaynaa”.

Tabobarkan noocan ah ayaa noqonaya kii saddexaad ee Wasaaradda Shaqo-gelintu u qabato hay’adaha dowladda ee shaqadoodu la xidhiidho tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka iyo Carruurta.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net