Wasaaradda Qorsheynta oo Baafinaysa Magacyada Hay’ado Sharciga Ruqsaddooda Shaqo ka Dhammaatay

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, ayaa soo saarto liisto ay ku qoranyihiin Hay’ado Caalamiga ah iyo Kuwo Madani ah oo ay ka dhammaadeen Ruqsadihii ay Wasaaraddu siiyey.

Qoraal Wargelin ah oo ay ku lifaaqantahay Liistada hay’adaha laga dalbaday inay cusboonaysiistaan Ruqsadahooda, ayaa loogu baaqay inay cusboonaysiistaan Shahaadooyinka Ruqsadaha loo siiyey muddada u dhaxaysa 13/01/2013 ilaa 04/02/2013.

Qoraalka Wargelinta ah oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Cismaan Jaamac Cabdilaahi , ayaa sidoo kale looga digay hay’adahaas inay dib uga dhacaan muddada loo qabtay inay Ruqsadahooda ku cusboonaysiistaan.

“Waxa dhammaan hay’adaha magacyadoodu ku jiraan Liiskan lagu Wargelinayaa in ay cusbooneysiiyaan Shahaadada ka dhacday laga bilaabo 13/01/2013 ilaa 04/02/2013. Hay’addii Waqtigaas cusoobneysiinweyda waxa lagala noqonayaa ruqsaddii markii hore ay Wasaaradda Qorsheyntu Siisay,” sidaas ayaa lagu yidhi Qoraal Wargelinta ah.

 

NGOs

SOMALILANDPOST.NET