Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha oo dadafaysay Eedo ay u soo jeediyey Afar iyo Toban xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiiladdu

Hargeysa(SLpost)-Masuuliyiinta Wasaarada Macdanta iyo Tamarta iyo Biyaha Somaliland ayaa maanta iska fogaysay eedaymo ay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta iyo biyaha dusha u saareen afar iyo Toban toban xildhibaaan oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada,kuwaas oo wasiirka ku eedeeyey inuu cadaalo daro u qaybiyey ceelasha biyaha ee laga qoday magaalada Burco isla markaan waxay sheegeen inuu wasiirku sed buursiimo siinayo beesha uu ka soo jeedo.

Masuuliyiinta wasaarada macdanta,tamarta iyo biyaha oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaaradaas Xuseen Cabdi Ducaale ayaa waxay sheegeen inaan eedaymahaasi waxba ka jiran isla markaan ay wasaarada macdanta,tamarta iyo biyuhu ay si cadaalada dalka ugu qaybiyo wixii ceelala ee la qodayo isla markaan aanay u eegin hab qabyaaladeed balse ay tix galiyaan meelaha ay ka jirto baahida dhinaca biyaha/.

Masuuliyiinta oo maanta xarunta wasaarada macdanta,tamarta iyo biyahah kula hadlayey warbaahinta  ayaa ugu horayn agaasimaha guud ee wasaarada macdanta,tamarta iyo biyaha Siciid Axmed Jibriil oo ka halday shirkan jaraa’id isla markaan akhrinaya war saxaafadeedka ay soo saareen waxa uu yidhi;

; “Danta guud ayaa ka mudan danta gaarka ah 

Anaga oo tixraacayna  wargayska Jamhuuriya cadadkiisa 4892 kuna taariikhaysan 13August 2012 iyo wargaysaka HUBAAL cadakiisa 18 kuna taariikahaysan 13August 2012 ciwaankiisuna yahay.

 

jamhuuriya (Mudanayaal guurtida iyo wakiilada ah oo ka dalbaday madaxweynaha inuu degdeg xilka uga qaado wasiirka macdanta iyo biyaha) ,

Hubaal ( wasiirku wuxuu ku dadaalayaa inuu mashaariicda waxqabad  ee degaanada Somaliland u sed- buriyo beeshiisa )

Mudanayaal iyo Marwooyin sidaad la socoto kuma cusba jamhuuriyada Somaliland in qaar ka mid ah masuuliyiinta marka ay ka arki waayaan dantooda gaarka ah inay miciinsadaan warbaahinta iyaga oo raadsanaya qodobo iyo shuruuc ay cuskanayaan iyaga oo u fasilanaya sida ay u rabaan ee iyaga ay ula qurux badan tahay kana boodaya xaqiiqda qodobada dastuurka iyo shuruucda dalka oo intooda badani iyagu is fasilaaya

Hadaba Waxaa bishii ogost 2011   wasaarada noogu yimi madaxda  shirkada Al NAFUURA iyo CITY PLAZA  oo ka codsaday  wasaarada in loo ogolaado biyo galinta qayb ka mid ah magaalada burco oo aanay  wakaalad biyaheedu wali gaadhin wakhtigaas  ,ka dib wasaaradu waxay u ogolaatay shirkadaha kor ku xusan inay biyo galiyaan 250 guri midkiiba si ku meelgaadh ah muddo hal sano ah, ka dibna wakaalada biyaha Burco ku wareejiyaan loona celiyo hantidii ka gashay si waafaqsan sharciga maalgashiga .”

Agaasimaha guud oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in shirkada ay biyaha galinaysay magaalada Burco ay ka badisay intii loo ogolaa isla markaana laga joojiyey waxaanu yidhi ; “Waxaa dhacday in shirkada Al naafuur  samaysay biyo galin ku dhaw saddex laab intii loo ogolaa taas oo  keentay in ay iska horyimaadaan shirkada iyo wakaalda biyaha Burco ,kaas oo gaadhay in shaqaalaha shirkada ALnaafuura isku dayeen inay gaadhi jiidhsiiyaan madaxda wakaalada iyo wasaarada ee gobolka Togdheer taas oo leh khatar amaan daro, isla markaana cagaf ku gooyaan dhuumaha biyaha ee wakaalda biyaha Burco .

Waxaa kale oo jirta in wakaalada biyaha Burco ay awood buuxda oo taam ah u yeelatay biya galinta galbeedka magaalada burco ,iyagoo ku soo xidhay 12km oo dhuumaha biyaha ah qalabeeyayna saddex ceel oo kal ah (Dr. muuse ,Maxamed Cali iyo Faraskabood).

Iyada  oo wasaaradu ka duulaysa awooda wakaalada iyo ilaalinta khilaaf dhex mara shirkadaha  iyo wakaalada waxay isku dayday inay shirkada Al Naafuura ku qanciso inay joojiyaan biyo galin cusub intoodii horena ku ekadaan ,haseyeeshee waxa mulkiilaha shirkada ALNAAFUURA   cadeeyay inaannu marnaba ogolaanayn wareegatada wasiirka isla markaana kaashanayo xildhibaanada golayaasha qaranka kaga jira beesha uu ka soo jeedo .

Mar labaad waxay wasaaradu isku dayday inay mulkiilaha shirkada ku qanciso in uu danta guud ka hormariyo dantiisa gaarka ah maadaama biyaha magaalada burco ay leeyihiin ahmiyad qaran, mid gobol iyo mid degmaba , aanay jiraan shirkado badan oo la mid ah shirkadiisa oo iyaguna doonaaya  biyo galin gaar ah inay sameeyaan iyaga oo ku dayanaya shirkada ALNAAFUURA , taas oo keeni karta in ay abuurmo tartan wax yeelo gaadhsiin kara biyo- hayaha (Aquifer)  magaalada , gobolka, iyo wakaalada dawlada oo u xilasaaran biyaha magaalada  oo imika maraysa halkii ugu fiicnayd taariikhda biyaha magaalada Burco .

Hadaba waxaa nasiib daro ah in tiro yar oo ka mid ah  xildhibaanada qaranku ay ka hadlaan warbaahinta iyaga oo awoodi kara inay wasaarada la fadhiistaan waydiiyaana xogta dhex martay shirkada iyo wasaarada si ay xaqiiqada u ogaadaan isla markaana ka garnaqaan iyagoo isu miisaamaya  danta guud ee qaranka iyo ta gaarka ah ee shirkada Alnaafuura .”

Agaasimaha guud oo ka hadlaya eedayntii ay wasiirka macdanta,biyaha iyo tamarta u soo jeediyeen xildhibaanada ka tirsan golaha wakiiladu ayaa waxa uu yidhi ; “Waxaa kale oo nasiib daro ah qaar ka mid ah  xildhibaanadii qaranka oo dhaliil iyo eedaymo  aan sal iyo raad toona lahayn oo salka ku haya dan shaqsi  usoo jeediyay wasiirka wasaarada macdanta tamarta iyo biyaha .Sidaad la socotaan waxay wasaaradu ka mid tahay hayadaha dawlada ee ku dhaqma distoorka iyo shuruucda u dagan dalka mana jirto shuruuc ay jabisay  ama wasiirku dhinac maray ,sidoo kale ma jirto meel uu wasiirka wasaaradu ku sameeyay eex ,kala qaybin, sed-bursimo iyo kala takoorid bulsho ,mana jirto lamana soo helayo meel uu wasiirku iskaga horkeenay ama colaad ka dhex abuuray xukuumada iyo beelaha Somaliland qarkood sida ku cad eedaynta xildhibaanada .

Sida ku cad war saxaafadeedka xildhibaanada ma jirto meel wasiirka wasaarada macdanta tamarta iyo biyuhu colaad ka dhex abuuray bulshada wada degta gobolka  Togdheer,waxana cad inay arrintu salka ku hayso cadhadii mulkiilaha shirkada Al naafuura isagoo shirkii ka cadeeyay in uu wasaarada dagaal la gali doono .

Qaybinta ceelasha .

Hadaba  haddii aan si kooban idiinku iftiimiyo qaabka wasaaradu u qaybiso  ceelasha deeqda ah ee soo gaadha dalka looma eego gobolaysi ,qabyaalad iyo nin jeclaysi midnaba ,waxaase loo eegaa qaabka joolaji ee dhulka baahida degaanka iyo awooda riigaga dalka yaala .Waxa kale oo jirta in aanay wasaaradu lahayn riigag ay wax ku qodo kuwa hada dalka joogaana ay tayadoodu aad u liidato dhinaca qalabka iyo farsamoyaqaanadaba  , iyagoo aan awood u lahayn  inay qodaan ceelasha ku yaala hawdka oo baahida biyuhu aad ugu badan tahay ,iyadoo ilaa imika ay ku guuldaraysteen qoditaanka 10 ceel oo ku yaala hawdka.

Si looga faaiidaysto deeqahaas kooban ee dalku ka helo deeqbixiyaasha iyo walaalaheena carbeed waxay wasaaradu qaadatay istartijiyada ah.

 

1-in ay bedasho ceelashii  hore u jiray ee laga guuray (replacement ).

2-in la qodo ceelasha cusub ee sahankooda la hayo .

3- in la sahamiyo dhulka aan ceel hore ka qodnayn ama aan hore  loo  sahamin .

4- in goobaha maagaalooyinka laga waraabiyo laga qodo ceelal madaama baahi biyood ka jirto magaalooyinka .

Agaasimaha oo ka hadlaya sida ay qaybiyeen ceelashii ay ugu deeqeen wadanka imaaraadku waxa uu sheegay inay tirada ceelashaasi ahayd 18 ceel isla markanay si fiican u qaybiyeen waxaanu yidhi; “

Qaybinta deeqda imaraadka (18ceel)waa sidan

1-     10 ceel oo laga qoday jaleelo xumba weyne oo loogu tala galay Bariga iyo Koonfurta magaalada Hargaysa

2-     8 ceel oo laga qoday Burco oo loogu talagalay waraabinta magaalada iyo nawaaxigeeda .

Sida ay magaalada ugu kala qaybsan yihiina waasidan hoos ku xusan

Galbeed (saylda ,Dr Muuse ,Maxamed cali ,Qandahaar )

Bari (Siibakhti ,Timaweynta ,Oktober ,Buqleeya )

 

Deeqda Kuwait (12ceel)  waxaan u qaybinay  sidan

1-Awdal /Salal       2 ceel (Gargooray, Camuud )

2-Mariidijeex         2ceel (Dameera- boob, Salaxley )

3-Saaxil                    2ceel (Faradeero , Goobaare )

4-Sanaag                 3ceel (Laanqiciye,Badhan ,Ceel afweyn )

5-Togdheer             2ceel (Qabri huluul ,Dhoqoshay )

6-Sool                        1ceel (Widh widh)

 

Hadii xataa sida ay u hadlayaan kooxdaasi  loo dhigo loona raaco tooda  ilaa maanta waxaa dalka laga qoday  30 ceel  intii xukuumadani jirtay, 16 ceel oo ka mid ah waxaa laga qoday deegaanada ay kooxdaasi ku abtirsadaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda macdanta iyo biyaha oo ka jawaabaya qodobada dastuuriga ah ee ay xildhibaanadu ku eedeeyeen inuu jabiyey wasiirka macdanta,tamarta iyo biyuhu ayaa waxa uu yidhi ; “Qodobada dastuurka iyo shuruucda dalka ee xildhibaandu   ku eedeeyeen in wasiirku jabiyay

Xildhibaanadii hadlay waxay sheegeen in wasaaraddu jabisay qodobo ka mid ah distoorka sida:

Qod 112 kaas oo sheegaya in adeega bulshada sida caafimaaka tacliinta hoose, laydhka ,biyaha iyo xanaanda xoolaha ay maamulkeeda yeelato dawlada hoose marka ay hanan karaan ,

Hadaba waxaan halkan ku cadaynaynaa inaanay wakhtigan xadirka ah dawladaha hoose aanay hanan Karin adeega bulshada gaar ahaan biyaha hase yeeshee ay wasaaraddu diyaar u tahay inay fuliso qodobkaas wakhtiga ku haboon.

Inaanay hanan karin waxaa tusaale u ah ( Borama oo wakhtigii dawlada hoose  gacanta ku haysay la gubay mishiinadii biya soo saarka ,maantana aan laqarin Karin halka ay marayso )

Qod 31 oo sheegaya xaqa hantida gaarka ah ee muwaadinku yeelan karo

Sida ku xusan  warsaxaafadeedka xildhibaanada ma jirto haba yaraatee wax hanti ah oo ay wasaaradu  shirkada Al naafuura  kala wareegatay wakhtigan aan joogno , waxaana haboonayd in la hubsado qaabka wasaaradu ugu tala gashay ilaalinta  hantida shirka ,oo ku xusan wareegtada wasiirka

Qod 71 ee xeerka gobolada iyo degmooyinku waxa ka horimanaya qodobka 112 ee distoorka maadaama aanay wali hanankarin wana sababta madaxweynuhu uga soo saaray wareegtada in wasaaradu gacanta ku hayso biyaha magaalooyinka ilaa inta ay hanan karaan maamulka degaanadu .

 

 

Gebagabo

Sidaas darteed waxaan ku soo gabagabaynayaa war saxaafadeedkaygan in danta guud ka mudan tahay danta gaarka ah ama ta shakhsiga.

Masuuliyiinta iyo dadweynaha reer Somalilandna  waxaan ka rajaynayaa in ay gacan iyo taageero buuxda ku siiyaan qorshaha  wasaaradda ee ku wajahan  ilaalinta danta guud,oo leh mudnaanta kowaad marka la barbar dhigo tan gaar ahaaneed .

Waxaan markale cod dheer ugu yeedhayaa dadweynha waxgaradka ,culimaudiinka reer togdheer inay ilaashadaan khayraadka biyaha si wadajir ah oo aanay u dhag taagin durbaanada iyo dhawaqyada xambaarsan caadifada iyo danaysiga .”

 

Sidoo kale wasiirka macdanta,tamarta iyo biyaha oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa isaguna dhiniciisa sheegay inaanay waxba ka jirin eedaymaha ay u soo jeediyeen mudanayaasha golaha wakiiladu,isla markaana waxa uu xusay inaanu isagu shaqo ku lahayn qaybinta ceelasha biyaha iyo deegaanada laga qodayo.