Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo sheegtay inay Saluugsan tahay Dakhiliga gobolka Togdheer

cadaaniBurco (SLpost)- Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa sheegay in wasaaradda Maaliyaddu ay aad u saluugsan tahay nidaamka dakhli ururinta ee gobolka Togdheer.

Wasiirul-dawlaha Wasaarada maaliyadda Somaliland waxa uu sheegay inaanay wasaarad ahaan garan karin sababta uu dakhilga magaalada Burco uga hooseeyo heerkii laga filayey, waxaanu ugu baaqay shaqaale-weynaha wasaaradda ee gobolka inay ku dedaalaan kor-u-qaadka dakhliga cashuuraha Berriga.

Wasiirku waxa uu sidaas ku sheegay kulan uu maanta la qaatay shaqaalaha wasaaradda ee gobolka Togdheer, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “Qayb muhiim ah ayaad kaga jirtaan inay Somaliland noqoto qaran ka mid ah waddamada caalamka sida aad u shaqaysaan ayaa inta kale oo dhamina ku soconaysaa. Dakhliga Burco waanu dhaliilaynaa, ma shaqo xumaa, aad baanu u dhaliilaynaa. Maalin kasta aniga iyo wasiirka waxa subaxa hore naloo keenaa dakhliga dalka oo dhan, maalin dhawna waxaanu ku soconaa inay wax waliba noqdaan elektaroonik,” ayuu yidhi Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda, isaga oo intaas ku daray, “Waa magaaladii labaad ee qaranka Somaliland, cashuuraha barriguna waa inay horumar sameeyaan, wax walibana qorshe ayey ku socdaan iyo nidaam, magaalada intaa le’eg iyo dakhliga soo xeroonayaa laba is leh maaha, waxaanu doonaynaa inaad iskugu tagtaan  sidii uu u kordhi lahaa dakhliga gobolku, muhiimna weeyaan shaqada aad gobolka ku haysaan,” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu ugu baaqay guud ahaan shaqaalaha wasaaradda ee gobolka Togdheer inay ku dedaalaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen dakhliga gobolka Togdheer oo uu sheegay inay wasaarada maaliyaddu aad u saluugsan tahay dakhliga ka soo xerooda isla markaana aanay islahayn baaxaddeeda iyo wax-soo-saarkeedu.

Somalilandpost.net