Wasaaradda Maaliyadda oo soo rogtay Cashuur nooceedu ku cusub tahay Somaliland

Hargeysa, (SLpost) – Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa cashuuro cusub ku rogtay dadka macaamiisha u ah huteellada magaalooyinka dalka, iyada oo qof kasta oo waxa uu cuno laga qaadayo boqolkiiba shan cashuur ah.

Wasaaraddu waxay ku wargelisay guud ahaan huteellada ku yaalla dalka inay qofka % 5 dheeraad ah bixiyo marka uu bixinayo lacagta uu raashinka cuna.

Wasaaradda Maaliyaddu sidaa waxay ku sheegtay ogeysiis ay maanta ku soo dirtay telefoonnada gacanta (Mobile), kaas oo ay huteellada iyo dadka wax ka cunaba kula soconsiinayso bixinta cashuurahan.

“Dhammaan macaamiisha huteelada waxa la ogeysiinayaa inay bixiyaan cashuurta Gadista ee biilka 5%, iyada oo huteelladu ay fulin doonaan qabashada cashuurta ayaa lagu yidhi farriinta wasaaradda maaliyaddu maanta shacabka u soo dirtay.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan wasaaradda maaliyadda ayaa qayb ka ah dedaalka wasaaraddu ugu jirto kobcinta dakhliga dawladda, iyada oo dhinaca kalena laga yaabo inay keensan karto kor u kac ku yimaadda qiimaha dadweynuhu raashinka kaga iibsadaan huteellada dalka.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net