Wasaaradda Maaliyadda oo Bulshada uga digtay Ciwaanno Facebook ah oo Magaca Wasiirka laga Been-abuuray

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa bulshada uga digtay Boggag baraha bulshada ah oo laga been abuuray Magaca wasiirka Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire, kuwaas oo sifooyin qaldan loo adeegsaday.

War qoraal oo ka soo baxay Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Xogta Wasaaradda, ayaa lagu sheegay in bogaggaas oo loo adeegsaday magaca iyo Sawirka Wasiirka Maaliyadda lagula xidhiidhay dad kale, isla markaana lacago lagu weydiistay.

“Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL waxay dadweynaha ku wargelinaysaa inay jiraan bogag baraha bulshadu ku kulanto ah gaar ahaan Facebook oo lagaga been-abuurtay magaca iyo sawirka wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, kuwaas oo dad lagu weydiistay lacag,” Sidaas waxa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL.

Warka ka soo baxay wasaaradda waxa lagu sheegay inaanu jirin bog Facebook ah oo uu leeyahay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, waxaana ugu dambayntii bulshada looga digay bogagga been-abuurka ah.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net