Wasaaradda Maaliyadda oo Kastam-Cashuureed Cusub ka Hirgelisay Gobolka Sool

Yagoori (SLpost)- Agaasimaha Baadhista iyo Kormeerka ee Wasaaarada Maaliyada Khadar Maxamed Cabdi ayaa maanta ka furay Tuulada Guumays ee Degmada Yagoori ee Gobolka Sool kastam Cusub oo Cashuuraha ah.

Xaflad tuulada Guumays loogu sameeyay furitaanka kastamkanm, ayaa waxa ka soo qayb-galay  Maayarka degmada Yagoori iyo Maamulaha Kastamka Laascaanood.

Agaasimaha Baadhista iyo Kormeerka ee Wasaaarada Maaliyada ayaa Digniin u diray ganacsatada isku dayda inay kootarabaan ama sifo khaldan ay dalka wax ku soo geliyaan waxaanu xusay inay ka qaadi doonaan cid kasta oo fal noocaas ah ku kacda talaabada ku haboon.

Khadar Maxamed Cabdi Waxa uu Sheegay in Cashuurtu ay tahay waajib saaran muwaadin kasta inuu bixiyo waxaanu balan qaaday in Wasaarada Maaliyadu Wado kasta oo Kootarabaan maro ay dhigi doonaan Kastam Cashuuraha qaabilsan,waxaa kale oo uu ka waramay siyaasada wasaarada maaliyada ee shanta sanno ee soo socda isagoo ka codsaday dadweynaha ku nool degmada Yagoori iyo Tuulada Guumays inay la shaqeeyaan Maamulka Kastamkan.

Maayarka degmada Yagoori  Iidlo Xuseen ayaa sheegay inay maamul ahaan garab istaagi doonaan sidii uu u shaqayn lahaa Kastamkan ay Wasaarada Maaliyadu ka hirgalisay Tuulada Guumays.

SOMALILANDPOST.NET