Wasaaradda Maaliyadda Iyo Baanka Dhexe Oo Shaaciyay Qorshe Cusub Oo Sicirka Doolarka Hoos Loogu Dhigayo

Hargeysa, (SLP)- Wasaaradda Maaliyadda, Baanka Dhexe, Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Telesom iyo Somtel, Ganacsatada Qaadka iyo Sarriflayaasha, ayaa shir ay Maanta yeesheen ku iclaamiyey qorshe dalka oo dhan laga hirgelin doono oo qiimaha Dollarka Hoos loogu dhigayo.
Somaliland shilling

Qorshahan, ayaa ah in dhammaanba dhaqdhaqaaqyada Zaad-ka iyo E-dahabka lagu isticmaali doono Lacagta shillinka somaliland, isla-markaana lagu joojinaya Dollarka adeegyadaas loo isticmaalo.

Halkaas waxa ka Hadlay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka dhexe, waxana ay sharraxaad ka bixiyeen Nidaam heshiis lagu yahay oo lacagahaas Dollarka ah lagu joojiyo, isla-markaana halkooda loogu beddelayo Shilinka somaliland oo hoos u usii socda.

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdilaahi Jaamac oo ugu horrayn halkaas ka Hadlay, ayaa faahfaahiyey natiijo kasoo baxday Shira isdaba joog ahaa oo Waaxaha maaliyadda ee Baanka iyo Wasaaradda Maaliyadda, shirkadaha Qaadka keena, Kuwa Adeegyada Zaad-ka iyo E-dahabku lahaayeen Maalmahan, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,  “Halkan waxa iskugu yimi Baanka, Wasaaradda Maaliyadda, Shirkadaha Telesom iyo Somtel iyo Raggii ka shaqayn jirey oo kuwii ugu waaweynaa ay halkan joogaa iyo qaadlayaashii, intayadaas oo dhamina waxa aanu iskugu nimi inaaanu ka wada tashano shirar maalmahan oo dhan noo socday oo lagaga hadlayey sidii loo dejin lahaa heerka sarrifka oo maalmahan aad u kacay, waxana la isku afgartay in marka hore Zaad-ka iyo E-dahabka oo ah laba hab oo ku shaqeeya Dollar-ka oo dadki jeebka ku sitaan oo wax ku iibsadaan oo shilinkii somaliland aad cidhiidhi u geliyey in la joojiyo dollarka oo laga dhigo shillin somalilnad waana isla waafaqnay, wakhtigii la bilaabi lahaana dib baanu kasoo sheegi doonaa.”

 

Wasirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyaduna Halkaas ka Hadashay, ayaa sheegtay in dhawaan Adeegyadaas lagu bixin doono Lacagta Somaliland, isla-markaana arrintaas heshiis lagu gaadhay, iyadoo loo arkay xal kor loogu qaadi karo Qiimaha lacagta somaliland oo hoos u dhacday, waxana ay tidhi,, “inta dollarku meesha sare gaadhay shirar aanu soo wadnay, ayaa ay ka dhalatay oo la isla gartay in shilinka somaliland uu noqdo ka wax lagu iibsado haddii ay dukaan tahay iyo haddii ay E-dahab iyo Zaad tahay, waxana aanu umaddeena u sheegaynaa inay dollarka ilaawaan, dukaanka marka la galo odhanaya waa intaas oo dollare waa inuu somaliland sheegaa dadkuna ay lacagteena gacanta ku sitaan, fadhigayaganina waxa uu astaan u yahay in lagu heshiiyey in Lacagta somaliland la isticmaalo.”

Dhawaaqan maanta kasoo baxay Ha’yadaha maaliyadda Somaliland iyo SHirkadaha Madaxa Bannnaan ayaa ka dambeeyey Korukac ballaadhan oo qiimaha dollarka ku yimi, kaas oo ay barbar socotay hoos udhaca lacagtta somaliland si joogto ah ugu socday, waxana la dhawrayaa halka ay arrimahaasi ku dambayn doonaan.

 

Somalilandpost.net