Wasaaradda Kalluumaysiga Oo Qabatay Kulan Lagu Gorfeynayo Sidii Loo Soo Saari Lahaa Kalluun Tayo Leh

Haregysa, (SPost)- Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka furtay kulan lagaga arrinsanayo sidii loo soo saari lahaa kalluun tayadiisu wanaagsan tahay.

Kulankan oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa kasoo qaybgalay wasaaraddaha xanaannada xoolaha, deegaanka, hay’adda dhawrsita tayada, masuuliyiin ka socday jaamacadda culuumta badda ee magaalada Berbera  iyo dawladda hoose ee magaalada Hargeysa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga khayraadka badda Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey) ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan hawleedkaas, isagoo sheegay in la gaadhay xilligii la tayeyn lahaa kalluunka Somaliland. “Somaliland bad weyn oo dheer ayay leedahay kalluun baa laga soo saaraa, kalluunkaas laga soo saaro inta badan wixii dibadda loo dhoofiyo waxa gurta maraakiib ajinabi ah, waxaynu gaadhnay waqtigii ay Somaliland tayada kalluunka ay soo saarto ay eegi lahayd, baran lahayd, hubin lahayd oo aynu badka keeni lahayn kalluun tayo leh oo la cuni karo, la inagana iibsan karo.” Ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysigu Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey).

Sidoo kale wasiir ku-xigeenka wasaaradda khayraadka badda Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa kula dardaarmay kasoo qayb-galayaashii kulankaas inay ka faa’iidaystaan muddada uu socdo kulankaas, isla markaana ay wax ka korodhsadaan.

Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Cali Jaamac Buureed ayaa sheegay in loo baahan yahay aqoonta ay bartaan ka qaybgalayaashu inay kula noqdaan deegaamadii ay ka yimaadeen, isla markaana ay ku dabaqaan xirfaddooda shaqo, waxaanu yidhi. “Duruustan iyo wixii aad halkan ka barateen ma rabno inay mar labaad dib usoo noqoto oo dhawr bilood ka dib ama sannadka dambena la yidhaahdo, casharadii hore oo kale ayaa la idiin dhigayaa intan waa inaad haysaan oo dokumenti ahaanna u haysaan, aqoon ahaanna u haysaan, isla markaana aad ka faa’iidaysaan oo shaqadiina aad hadhaw ku dabaqdaan oo nin walba deegaankii uu ka yimi uu kula noqdaa.

Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada, madaxa hay’adda OXFORM, madaxa mashruuca ka faa’iidaysiga kalluunka  ee hay’adda OXFORM oo dhamaantood ka hadlay kulankaas ayaa ka warbixiyay sida ay muhiimka u tahay in la tayeeyo kalluunka laga soo saaro baddeena Somaliland.

Somalilandpost.net