Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda kaluumaysiga iyo khayraadka badda ayaa ku dhawaaqday inay mudo sanad ah hakiyeen maraakiibta ajaanibka ahayd ee ay ruqsada u siiyeen inay ka kaluumaystaan badda Somaliland.
Wasiirka wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badda Mud, Cabdilahi Jaamac Cismaan (Geel-Jire) oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa,ayaa sheegay in ay go’aan ka soo saareen maraakiibta ajaanibka ah ee badaheena ka kaluumaysta , Waxaanuu wasiirku sheegay in markii ay daraasad iyo daba gal badan ku sameeyeen maraakiibta ka jilaabta baddeena ee ruqsada la siiyay waxaanuu cadaatay ayuu yidhi wasiirku in ay ku xad-gudbeen nidaamkii loo qoondeeyey, isla markaasina ay ka soo gudbeen Jiidihii loo asteeyey inay ka jilaabtaan,iyaga oo adeegsanaya shaabaag aan ahayn kuwii loo ogolaaday,kuwaasi oo wax yeelo u gaysanaya noolaha kale ee badda ku jira.
Dhinaca kale, Wasiirka wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badda Md. Cabdillahi Jaamac Cismaan-geel-jire ayaa soo saaray wareegto Magacaabis, isku bedel iyo Xil kaqaadis uu ku sam eeyey qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaarada, kuwaasi oo kala ah:
1- Xuseen Haybe Cige…………………….Waxa loo magacaabay La taliyaha wasiirka kalluumaysiga& khayraadka badda ee rimaha kaluumaysiga
2- Axmed Aadan Madoobe………………..Waxa loo magacaabay Agaasimaha waaxda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka badda
3- C/qaadir ismaaciil Jaamac……..Waxa loo magacaabay Isuduwaha Gobolka Selal ee wasaarada
4- Maxamed Aadan Jaamac…………………..Waxa loo magacaabay Isuduwaha Gobolka Sanaag
5- C/llahi Cali Maxamed…Waxa loo magacaabay isuduwaha Gobolka Saaxil
6- Maxamed Muuse Gudaal…..Waxa loo magacaabay maamulaha Degmada Saylac ee Wasaarada kaluumaysiga
7- Maxamed Siciid Xirsi…………waxa loo magacaabay Maamulaha Degmada Berbera e Wasaarada kalluumaysiga
8- Cali Xasan Nuur…..Waxa loo magacaabay.Maamulaha degmada Maydh ee wasaarada kalluumaysiga
9- Siciid Warsame Cumar…Oo laga qaaday xilkii isuduwaha Gobolka sanaag ee wasaarada kalluumaysiga.
SomalilandPost/Hargeysa