Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo daahfurtay Mashruuc lagula dagaalamayo Xannuunka Dhimirka

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, ayaa maanta daahfurtay mashruuc loogu adeegayo Caafimaadka dadka qaba Xannuunka Dhimirka.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa si rasmi ah magaalada Hargeysa uga daah-furay mashruucan oo hirgelintiisu ku timi kaddib markii ay wasaaraddu dhammeystirtay qorsheyaasha siyaasadeed ee Caafimaadka Dhimirka.

Munaasibadda lagu daah-furay mashruucan waxa goob-joog ka ahaa oo si wada-jir ah u daah-furay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Agaasimaha Guud ee Shaqo-gelinta, Arimaha Bulshada iyo Qoyska.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa siyaasad buuxda u samaysay Caafimaadka dhimirka iyada oo loo qorsheeyay in Cusbitaal gaar ah dalka looga wada dhiso bukaanada dhimirka oo qaarkood laga hirgeliyey, in mihnadlayaal iyo hawlwadeeno Caafimaad oo gaar ah loo tababaro iyo in wacyigalin balaadhan loo sameeyo bulshada taasoo ay kamid yihiin in bulshada laga wacyi-galiyo waxyaabaha sababa xannuunada Dhimirka iyo  sida loola dhaqmo dadka qaba xannuunada dhimirka.

Warkan oo faahfaahsan kaga bogo muuqaalka Hoose