Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo Mamnuucday Ka-Ganacsiga Gaadiidka Dab-Damiska

 

Hargaysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdilaahi Abokor Cisman, ayaa soo saaray Wareegto uu ku mamnuucday ka ganacsiga Gaadiidka loo adeegsado deminta dabka, kaddib markii uu arrintaas ka codsaday Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland.

Wareegtada Wasiirka oo lagu socodsiiyey Ganacsatada Iska leh Macraddada Gaadiidka lagu iibiyo, Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta iyo Maaliyadda, laguna war-geliyey Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Ganacsiga, Taliyaha Ciidanka Deb-demiska iyo Madaxweynaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in maanta laga bilaabo soo-dejinta iyo ka-ganacsiga gaadiidkaas loo daba-fadhiisanayo Taliska Ciidanka Dab-demiska oo ogolaanshiheeda bixinaya.

Wareegtada Wasiirka oo ku taariikheysan 04 Feb, 2020 oo maanta ku beegan, ayaa u qornayd sidan:-

“Ujeedo; Gaadiidka Dab-Demiska

 
MARKAAN ARKAY: Qodobada 20aad iyo 42aad ee Xeerka Wadamarista Gaadiidka (Xeer L/r 56/2013);
MARKAN ARKAY: Qodobka 25aad Faqradiisa 8aad ee Xeernidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hayadaha Xukuumada(Xeer L/r 01/2018) oo tilmaamaya Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku in ay maamusho adeegyada isu socodka dadka iyo alaabta, isla markaana xaqiijiso isku gudubka badeecadaha iyo adeeggyada xamuulka ee wadanka.
MARKAN HLAY: Talo soo jeedin Taliyaha Ciidanka Dab-Demiska Qaranka  ee hakinta  soo dejinta & ka ganacsiga Gaadiidka Dab-demiska ah ee dalka la keeno.

WAXAN SOO SAARAY WAREETADAN

  1. In Gaadiidka Dab-Demiska laga mamnuucay in laga ganacsado guud ahaan Dalka Jamhuuriyadda laga 4th April 2020,
  2. Cid kasta oo u baahan soo dajinta Gaadiidka Dab-Demiska waa inay ogolaansho ka haystaan Taliska Guud ee Ciidanka Dab-damiska laga bilaabo taariikhda wareegtadan soo baxday.

Alla Mahad Leh

C/laahi Abokor Cismaan

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta Jidadka