Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo Abaalmarino Kala Duwan Guddoonsiisay Shaqaale Hawl-karnimadooda lagu majeertay

“Ma jirto cid si gaar ah u guulaysatay oo guushana waynu wada leennahay, sababta oo ah magac ayeynu wadaagnaa” – Wasiir Cabdilaahi Abokor

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda  Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey shaqaalaha ka hawlgala xarunta Wasaaradda ee Caasimadda Hargeysa iyo gobollada kale ee dalka, kuwaasoo loo aqoonsaday inay yihiin shaqaalaha ugu shaqada fiinaa, uguna hawl-karsanaa sannadkii la soo dhaafay ee 2019-kii.

Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland maanta, waxa ka qaybgalay Masuuliyiinta Sare ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo uu ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Cumar Cabdillaahi Aadan (Cumar Sayid), Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Boos Maxamed Mire, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Yurub Abiib, Guddoomiye Kuxigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, C/kariim Maxamed X Cali iyo masuuliyiin kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cumar Cabdillaahi Aadan (Cumar-sayid) oo munaasibaddaas hadal ka jeediyey, ayaa ka xog-waramay ujeedooyinka laga leeyahay abaalmarinaha la guddoonsiiyey shaqaalaha hawl-karnimada muujiyey, isagoo xusay in arrintan looga dan leeyahay in dhiirigelin loo sameeyo shaqaalaha Wasaaradda.

“Ujeedada xafladdu waa in la abaalmariyo shaqaalaha mutaystay ee hawsha ay qaranka u hayaana sida daacadnimada, kartida iyo hufnaanta leh uga qaybqaatay, waxayna abaalmarintaasi daaran tahay inay ku daydaan shaqaalaha kale oo ay noqdaan jiil lagu daydo (role model). Waxa ugu weyn ee lagu dooranayey waxa uu ahaa joogtonimada shaqada (attendance) oo haddii ay iskaga mid noqdaan shaqo-joogtonimadana waxa lagu dooranayey inuu hal-abuurka, kartida iyo sida ay shaqada u qabanayaan,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

Waxa kaloo uu sheegay in markii hore loo soo gudbiyey shaqaale tiradoodu ka badan tahay inta loogu talogalay in abaalmarinta la siiyo, waxaannu yidhi; “Waxa xusid mudan in wejigii hore la noo soo gudbiyey shaqaale tiradoodu ay ahayd 42 shaqaale ah, waxayna Agaasime-waaxeedyadii soo gudbiyey mararka qaarkood ayey keenayeen saddex qof oo ay lahaayeen saddexdaas qof waannu kala saari kari waynay oo wax walba waa iskaga mid, markaa macnaheedu waxa aannu 19 shaqaale ah u soo saarnay, si aanay tiradu innoogu badan waxa laga yaabaa inay jiraan dad isku mid ah oo aannu si dirqi ah ku kala saarnay.”

Xubno ka mid ah Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo iyaguna munaasibaddaas hadallo ka jeediyey, ayaa si xooggan u ammaanay guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda, iyagoo si gaar ahna u hambalyeeyey shaqaalaha abaalmarinta la siiyey ee loo gartay inay yihiin hawl-wadeennada shaqada ugu badan qabtay sannadkii 2019-kii, waxayna caddeeyeen in shaqaalaha la abaalmarinayo ayey yihiin shaqaale ka socda dhammaanba xarumaha Wasaaradu ku leedahay Gobollada Somaliland.

Agaasimaha Waaxda Horumarinta shaqaalaha  ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidad Maxamed Axmed Sugaal ayaa yidhi:- “Waa waajib qaran in qofka dedaala la xuso, waana maamuus iyo sharaf in shaqaale-weynaha Wasaaraddu iyaga oo wada wanaagsan, haddana kuwo ka mid ah la tilmaamo, waxaana ammaanteeda leh oo ay Wasiirka iyo Agaasimaha Guud-na gadh-wadeenka noogu yihiin in aanan sannadkii oo qudha uun shaqaalahayaga xusin ee in aannu saddexdii biloodba hal mar aannu xusno shaqaalayaga.”

Agaasimaha Waaxda Buuga, Liisanka iyo Taarikadda Marwo Ayaan Cabdicasiiis oo Iyana ku hadashay afka shaqaalaha ayaa tidhi:-“Runtii sharaf weyn ayey maanta noo tahay in shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka kuwii ugu mudnaa ee loo gartay la abaalmariyo, inkasta oo ay dhammaanba shaqaaluhu wada mudan yihiin, haddana shaqaalihii ay soo saartay ee soo xushay Waaxda Shaqaaluhu kuwii ugu mudnaa ay noqdaan oo abaalmarin la siiyo, taasna waannu ku wada faraxsannahay.”

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Boos Mire Maxamed, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga marwo Yurub Abiib, Guddoomiye-ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dowladda iyo masuuliyiin kale oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa ku ammaanay madaxda Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland sida fiican ee ay dhiirigelinta ugu samaysay  guud ahaanba shaqaalaha Wasaaradda, gaar ahaan shaqaalaha la yimid shaqo-wanaaga sannadkii la soo dhaafay ee 2019-kii, waxa kaloo ay hambalyo u direen shaqaalaha tiradoodu dhan tahay 19 xubnood ee abaalmarinaha kala duwan la guddoonsiiyey.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Cismaan Abokor oo ugu dambayntii munaasibaddaas hadal ka jeediyey, ayaa hambalyo u diray shaqaalaha abaalmarinta mutaystay, isagoo guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda kula dardaarmay inay sii labanlaabaan hawlaha shaqo ee ay uga masuulka yihiin qaranka Somaliland.

“Ma jirto cid si gaar ah u guulaysatay oo guushana waynu wada leennahay, sababta oo ah magac ayeynu wadaagnaa, kaasoo ah hal magac oo ah Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, markaa dhammaanteen waynu wada guulaysannay oo innaga maanta abaal-gudkeennu maanta noqon maayo uun shahaado, balse shaqaalahaas abaalmarinta mutaystay ee tiradoodu dhan tahay 19-ka shaqaalaha ah waxa loogu abaal-gudi doonaa shahaado iyo qofkasta oo la siin doono lacag Insha Allaah,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan.

Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Waxa aan runtii jecelahay in aan halkan mar labaad uga mahadnaqo shaqaalaha, sababtoo ah sharafta aynu leennahay waa mid aad idinku noo samayseen, anaguna Insha Allaah waxa aannu jecelnahay in aannu wixii itaalkayaga ah ku deddaalno sidii aannu abaalkiina gudi lahayn,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Abokor Cismaan.

 

Somalilandpost.net