Wasaaradda Duulista Somaliland Oo Ku Guulaysatay Rakibaada Qalab Casri Ah Oo Lagula Soconayo Saadaasha Hawada Dalka

Hargaysa, (somalilandpost)-Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ayaa ku guuleysatay rakibaada qalab casri ah oo lagula socon doono Saadaasha Hawada Dalka.

Qalabkan oo ah qalab casriya oo ku xidhiidhsan Satellite-ka ayaa dabbooli doona baahi ka jirtay hawl galada hawada Dalka iyo la socoshada cimilada si tallooyin wasaaraddu uga bixiso wixii la xidhiidhi cimilada Dalka.

Munaasibad kooban oo ay daah furka hawl galkan lagu  guuleystay u qabatay wasaaraddu ayaa waxaa  ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe, Eng. John oo ka socday urur goboleedka IGAD iyo Agaasimaha Waaxda Saadaasha ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada Cabdirashiid Cali Xaddi.

Wasiirka Duulista iyo Hawada ayaa ugu horreyn faahfaahin ka bixiyey qalabkan, waxaanu yidhi “ILAAHEY-baa mahad leh, waana guul weyn oo Somaliland usoo hoyatay inaynu halkan ku rakibno qalab Saadaasha hawada wax weyn inooga tari doona oo suurtogalinaya inaynu la socono xaaladaha hawadeena iyo wixii la hal maala oo aynu aad ugu baahnayn oo waynu ognahay duruufaha abaareed iyo ee ina soo maray, waxaananu dedaal badan u galnay ka wasaarad ahaan inaanu suurtogalino sifo kasta oo aanu ku heli karayno qalab Satelite-ka ku xidhan oo suurtogaliya inaynu sida caalamka la socono hawadeena oo aynu ka caawin karno dadka reer guuraaga ah iyo dadka magaalooyinka iyo dhulka daaqsimeedka si loola socdo, waxaanu barnaamijkani inoo suurtogalinayaa inuu hawshaasi inaga caawiyo inaanu xog ka helno oo Sattelite-ku inoo sahlo”

Wasiirka waxa kale oo uu intaasi ku daray  “Waxaan u mahadcelinayaa urur goboleedka IGAD, oo qalabkan oo qiimo weyn ku kacay inoo keenay, waxaan kale oo aan u mahadcelinayaa Eng. John oo isaguna rakibaada qalabkan u yimid dalka, iyo Cabdirashiid oo ICAO ka socda qaybteeda saadaasha hawada, waxaanay labadooduba gacan ballaadhan ka geysteen sidii hawshani u suurto gali lahayd, maantana qalabkii waa uu shaqaynayaa tijaabadii u horreysay waanu samaynay, waxaanu Mustaqbalka Insha Allah rajaynaynaa inay noqoto hay’ad madax bannaan ama wakaalad, taasi oo wasaaradda lafteeda hoos timaada maadaama oo ay ahmiyad gaar ah leedahay waana tallaabo hore loo qaaday oo ay ku guuleysatay xukuumadda xisbiga Kulmiye, kaliya kama caawinayso duruufaha cimilo, sidoo kale waxay ka caawinaysaa haddii baddaha oo kale wax ku soo fool leeyihiin, duufaano iyo roobab meelaha qaarkood siyaado ku ah oo da’aya, taasi oo fududanaysa in dadka xog la siiyo, waxa kale oo ka mid ah in meelaha abaar looga baqayo lafteeda xog laga helo oo xogtaasi la helo oo dadka meelahaasi degan la sii siin karo xog ah in dhulkaasi abaartu ku badan tahay oo ay muhiim tahay in xaga kale loo guuro, waxa kale oo xog laga siin karaa dhismayaasha oo xog laga siin karo habka dabayshu u dhacdo oo lagu sallayn karo habka loo dhisayo iyo dabaysha khatarta ku ah haddii uu yahay dabaqyo badan oo isa saaran, xog badan oo dalkani u baahnaa oo markii hore uu la’aa ayuu inoo suurto galinayaa barnaamijkani, waana markii u horreysay ee Somaliland lagu rakibo, waxa kale oo uu ka caawinayaa Telefishanada inay helaan xogta dhabta ah ee saadaasha hawada ee Somaliland, taasina barnaamij ayaanu u samaynaynaa aanu heshiis ku wada galno warfaafinta oo ay xogtaasi telefishanadu helaan si toos ah oo ay heli karaan xogta maalin kasta iyo daqiiqad kasta oo ku sabsan hawada Somaliland siday u dhacayso, waxaanan mar labaad u mahadcelinayaa urur goboleedka IGAD, waxaanay hawshani ka mid noqon doontaa qaybo badan oo aanu soo kordhinay.

Agaasimaha waaxda Cimilada C/rashiid Cali Xaddi ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa faahfahin ka bixiyey faa’iidada uu qalabkani leeyahay, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Qalabkan halkan la keenay waxa uu qayb ka yahay Mashruuca Mesa oo ah mashruuc ay waddamada Afrika oo dhan ay ku bahoobeen oo ah sidii Cimilada loola socon lahaa, isla markaana qalabkan loogu talo galay sidii Cimilada Somaliland loola socon lahaa, mashruucaasina waxa runtii naga gargaaray oo gacan xoog leh naga siiyey ururka IGAD oo aan la’aantii mashruucaasi midho dhaleen, si kale haddaan u dhigo waxa Somaliland gaadhay maanta inay kaligeed garan karto cimiladeeda oo ay la socon karto hawadeeda oo ay maamuli karto, waana guul ILAAHEY loogu mahadiyo, waxaana si gaar ah ugu mahadnaqaynaa oo gacan xoog ah naga siiyey Mr. John oo ka socda ICAO iyo C/rashiid oo ka socda hay’adda ICOA”

 

Sarkaal ka socda IGAD Mr. John Asayo ayaa isna Dawladda  Somaliland iyo Urur Goboleedka  IGAD ugu mahadceliyey suurtogalinta qalabkan casriga, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan jecelahay inaan uga mahadceliyo dawladda Somaliland sida wanaagsan ee ay noo garab istaagtay si ay hawshani noogu suurto gasho, waxaanu qalabkan cusub hirgaliyanaa sidii loola socon lahaa Hawada dalka, waxaanan rajaynayaa in sida ugu wanaagsan loogu isticmaali doono, waxaanan doonayaa inaan halkan uga mahadceliyo masuuliyiinta IGAD ee suurto galiyey inaan hawshan qabano iyo wasiirka duulista oo isaguna gacan nagu siiyey”.

C/rashiid Cumar Jaamac oo ka socday hay’adda ICAO ayaa sheegay in qalabkan cusub faa’iido u leeyahay Dalka, isla markaana faahfaahiyey sida loo adeegsanayo, isaga oo tilmaamay inuu wax badan inaga caawin doono, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Qalabkan waxa uu inaga caawinayaa cimilada iyo sidii loola socon lahaa”.

hargeisa

somalilandpost