Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland oo tafaasiil ka bixisay Diyaarad maanta Caga-dhigay Madaarka Laascaanood oo muddo Xidhnaa

Laascaanood (SLpost) Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gadiidka Cirka Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay Diyaarad sidday alaabo ganacsi oo maanta fadhiisatay Madaarka magaalada  Laascaanood oo in muddo ah aan shaqaynin.

Saddam Mohamed2War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Duulista Hawada, ayaa tafaasiil lagaga bixiyey diyaaradda soo fadhiisatay madaarka Laascaanood, waxaanu u dhignaa sidan: “ Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gadiidka Cirka  Jamhuuriyada Somaliland waxa ay shaacinaysaa in maanta Madaarka Magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood ay caga dhigatay diyaarad siday Alaabo ganacsi.

Madaarka Laascaanood oo aanay wax Diyaarad ahi adeegsan mudo dheer, sababo la xidhiidha isaga oo aan mudo waxa dayac tir ah lagu samayn, ayey Wasaaradda Duulistu dhawaan dayac tir ku samaysay Madaarka iyada oo la kaashanaysa Ganacsade deegaanka ah, arintaasi oo suuro galisay inay maanta Madaarka Laascaanood caga dhigato  diyaarad ay leedahay shirkadda Sky ward Airlines.

Diyaaradan oo ka timid dalka Kenya oo ah nooca loo yaqaan (Fokker 50), ayaa siday Qaad dhan 6 tan (Lix Tan), waxana sida qorshuhu yahay ay Todobaadkii Madaarka imdan doonta muddo laba cisho ah.

Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gadiidka Cirka  ayaa mudo waday dib habayn lagu sameynaysay  garoomada diyaaraddaha ee dalka, iyada oo ujeedadeedu tahay in la xoojiyo is ku xidhnaanta dalka, isu socodka bulshada, iyo kobcinta dhaqaaalha Somaliland.

Duulimaadyada  ka bilaabmay Madaarka Laascaanood ayaa waxa uu fure u noqon doonaa kor u qaadista ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha Gobolka Sool oo Xukuumadda Somaliland ay horumarintiisa  mudnaan gaar ah siinayso.”

ALLA MAHAD LEH.

Sadaam Maxamed Axmed

Afhayeenka Wasaaradda Duulista JSL.