Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Oo Qabatay Hawl aan 27 Sano la Qaban

Hargeysa (SLpost)-  Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo toddobaadkii hore bilawday diiwaangelinta Maddarasadaha iyo Jimciyadaha ay ku midoobeen, ayaa maanta Shahaadooyinka aqoonsiga siisay ku dhawaad 150 Maddaariis iyo Jimciyado ay ku midoobeen ah oo buuxiyey shuruudaha ay Wasaaraddu uga baahnayd. Hawshan ayaa noqonaysa markii ugu horreysay ee Somaliland oo 28 jirsanaysa Wasaaraddu ka hirgeliso.

 

Madaxda iyo Masuuliyiinta Maddarasadaha Qur’aanka kariimka ah lagu barto ee magaalada Hargeysa, ayaa maalmahan safaf ugu jiray is-diiwaangelinta ay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland bilawdo oo si habsami ah uga socota xarunta wasaaradda ee magaalada Hargeysa, waxaana maanta shahaadooyinka amma shatiyada aqoonsiga la siiyey qaybtii ugu horreysay ee la diiwaangeliyey, halka ay weli sii socoto hawsha tiro-koobka maddaarista oo lagu diiwaangelinayo hab casri ah oo kumbuyuutaraysidh ah.

Madarasadaha

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Aadan Cabdillaahi Cabdalla oo ay weheliyaan madaxda waaxyaha kala duwan ee wasaaradda qaarkood, ayaa shahaadooyinkaa aqoonsi bixiyey, waxaanu agaasimuhu sheegay in aan la foojari garayn karin shahaadada aqoonsiga maddarasadaha ay guddoonsiiyeen oo uu tilmaamay farsamo ahaan in ay aad u ilaaliyeen.

 

“Sharaf bay noo tahay Wasaarad ahaan ee diiwaangelinta inaad noqotaan dufcaddii u horreysay, una hoggaansantaan soo jeedintii wasaaradda, isla markaana nala fahantaan hawshan ujeeddada aannu u leenahay, aad baanan idiinkaga mahadnaqayaa dhammaantiin, waayo waa waajib dastuuri ah oo inna wada saaran. Dastuuri markaan leeyahay, dastuurkeennu wuxuu inna farayaa barashada diinta islaamku inay tahay mid waajib ah. Markaa, maaddaama oo aanay ka hor-imanayn Shareecada Dastuurkeennu ee uu xoojinayo barashada Qur’aan oo wasaaraddu diiwaangeliso oo kormeerto, xag markaynu ka eegno waa arrin Illaahay raalli ka yahay, waana arrin dastuuri ah.” Sidaa ayuu yidhi Agaasime Aadan Cabdillaahi.

 

Agaasimaha guud oo sharraxaya shaqada wasaaradda iyo ujeedka diiwaangelintan, waxa uu yidhi; “Maaddaama oo ay Wasaaradda diinta iyo awqaaftu u igmantay arrinka diinta iyo Qur’aanka. Diiwaangelinta ujeeddada ugu weyn ee aannu ka leenahay waxa weeye 1- in la helo xogta maddaariska diiniga ah. 2- in la gaadho mustaqbalka manhaj mideeya maddaariista oo idinka idinka yimaadda. Maaha mid annaga naga yimaadda ee mid idinka idinka yimaadda oo aad raalli ku tihiin, taasna laguma gaadhi karo diiwaangelin la’aan. Aad baan idiinkaga mahadnaqayaa inaad tihiin Maddaariskii ugu horreeyey ee is-diiwaangeliya.”

 

Sida ay u socoto diiwaangelinta Maddarasadaha, ayuu Agaasimaha guud tilmaamay inay tahay si fiican, waxaanu yidhi; “Shaqada haddaan warbixin idinka siinno si fiican bay u socotaa dhankasta, hadday tahay farsamo ahaan, hadday tahay maamul. Waana arrin muhiim ah oo Maamul iyo Macallimiinba aad soo dhawayseen.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta. Waxaanu sheegay in arrintan ujeedka kale ee laga doonayaa tahay tayeynta macalimiinta Qur’aanka dhiga iyio inaanay maddarasaduhu is-maax-dumin ee su fiican oo faa’iido bulshada u leh ay u shaqeeyaan.

 

Sidoo kale, Agaasimaha waaxda Maddarasadaha iyo Masaajidda ee Wasaaradda Diinta Sheekh Maxamed Macallin Aadan iyo Sheekh Axmed Dhimbiil oo madax ka ah waaxda Fadwada ee Wasaaradda, ayaa iyaguna kulankaa shahaado-bixinta ka hadlay, isla markaana sheegay inay tallaabadan Wasaaraddu fulinaysaa muujinayso sida wasaaraddu doonayso inay u horumariso maddaariista diiniga ah ee dalka Somaliland oo dhan, oo ay hadda caasimadda Hargeysa ka bilawday, maddaariista Hargeysana nasiib u heleen inay bilaw u noqdaan hawshan lagu ogaanayo tirada iyo tayada maddarasadaha Qur’aanka, Macallimiinta dhiga iyo Jimciyadaha ay maddaaristu ku midaysan yihiin-ba.

 

Xubno ka tirsan Maamulayaasha Maddarasadaha kala duwan ee la diiwaangeliyey iyo kuwa isla maanta oo qaar aannu wax ka weydiinnay siday u arkaan diiwaangelintan ay safka ugu jireen, qaarna shahaadooyinka-ba qaadanayeen, waxaanay ku tilmaameen tallaabo wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland dhinaca horumarka u qaadday, tahayna mid muhiim u ah Maddarasadaha, bulshada ay diinta barayaan iyo dowladda-ba, waxaanay u mahad-celiyeen masuuliyiinta iyo hawl-wadeennada wasaaradda Diinta.

 

“Hadday wasaaraddu dareentay oo go’aansatay maanta inay maddarasadaha isku xidho oo ay tayadooda kor u soo qaaddo, tiradoodana ogaato. Waxaannu rejaynaynaa in diiwaangelintan iyo go’aankan wasaaraddu wax badan ku soo kordhin doono tayada maddarasadaha, macallimiinta iyo maamulayaashooda-ba, waayo, waxa wax wayn innoo tari kara laba tabobbar oo ay sannadkii wasaaraddu inna siiso oo aynaan markii hore hayn iyo wixii kale ee ay tayada kor ugu qaadayso, waanan soo dhawaynaynaa diiwaangelintan.” Sidaa waxa yidhi Sheekh Yuusuf Beddel Axmed oo ku hadlay afka Maamulayaasha Maddarasadaha ee shahaadooyinka aqoonsiga la guddoonsiiyey.

 

Diiwaangelintan, ayaa noqonaysa tii nooceeda ah ee ay Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ku samaynayso Maddarasadaha Diiniga ah, si ay ugu samayso manhaj isku mid ah, una ogaato tiradooda iyo tayadooda, waxaanay marka Hargeysa la dhammeeyo hawlgalkani u gudbi doontaa magaalooyinka kale ee gobollada Jamhuuriyadda Somaliland, oo iyagana sidan oo kale looga diiwaangelin doono maddarasadaha, inta shuruudaha buuxisana shahaadooyinka ay u qalmaan ee aqoonsiga, ayaa la siin doonaa.