Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafka oo iska fogeysay Eedo loo jeediyey iyo Aragtida wasaaradda ee go’aanka Soo-jeedinta Arrimaha Guurka

Hargeysa, (SLpost)- Qaar ka mid ah Agaasime-Waaxeedyada Wasaraadda Diinta Aw-qaafta oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaraddaas, ayaa iftiimiyay inaanu jirin go’aan ay Wasaaraddu ka soo saartay Guurka la sheegayo in la hoos qiimihiisa loo dhigay.

Ugu horrayn waxa ka hadlay shirkaas Agaasimaha maamulka ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Xuseen Cabdillaahi, waxaanu sheegay inaanay jirin wax khilaaf dhinaca maamulka ah oo ka dhaxeeya masuuliyiinta Wasaarada Diinta waxaanu yidhi; “Waxaannu halkan ku beeninaynaa war ku soo baxay wargeyska Waaheen cadadkiisii 708, kaasoo soo baxay maalintii isniintii, warkaas oo nuxurkiisu ahaa Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta oo maamul xumo soo foodsaartay iyo Agaasime waaxeedyo cabasho geeyey Madaxtooyada.”

“Haddaba annagoo ah masuuliyiiinta warkaas laga qoray waxaaanu halkan ku caddaynaynaa inaanay arintaas waxba ka jirin oo ay been abuur cad tahay,habsami u socodka hawlaha Wasaaradu waa caadi wax iska dhimayna ma jiraan wax cabasho oo aanu gaynay Madaxtooyadana ma jiro, anagoo Madaxtooyada hortaagan oo uu gaadhiga Wasiirkuna meel noo dhaw taagan yahay ayaa sawir nalaga qaaday oo la yidhi cabasho ayey Madaxtooyada gaynayaan, anaguna waxaanu u soconay baabuurkii Agaasimihii Guud ee baxsaday wadan jiray oo naloo sheegay inuu Madaxtooyada yaalo, shaqaalahan la leeyahay waxay isku qabsadeen xafiiska Agaasimaha Guudna waxba kama jiraan, cid loo magacaabay xilka Agaasimaha Guudna ma jiro Wasiirkii Wasaaradduna wali xajka ayuu ku maqan yahay.” yuu yidhi Agaasimaha Maamulka ee Wasaaradda Diintu.

Waxa kale, oo isguna shirkaa jaraa,id ka hadlay Isu-duwaha Wasaaradda Diinta ee Gobolka Saaxil oo sheegay in hawlaha Wasaaraddu ay caadi u socdaan, isla markaana aanu jirin khilaaf ka dhaxeeya masuuliyiinta Wasaaradda, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi; “Anigu waxaan dhawaan ka soo noqday xajka markii aan imidna, waxaan la kulmay Agaasimaha waaxda maamulka waxaanu ii sheegay in hawlaha Wasaaraddu ay caadi u socdaan, anigana wax uu Wasiirku ii sheegay oo uu yidhi xilkii Agaasimaha guud sii hay ma jiro, aniguna Berbera ayaan daganoo hadii lay yidhaa Hargeysa u soo wareeg waabay igu adag tahay.”

Waxa kale, oo isaguna halkaa ka hadlay Agaasimaha Sharciga ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Yuusuf Cabdi Xoorre, waxaanu sheegay inaanay jirin wax go‘aan ah oo ay Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaaftu ka soo saartay dhinaca guurka waxaanu yidhi; “Waxa jirtay qaddiyad maalin dhawayd la yidhi culimada ayaa soo saartay go’aan lagaga hadlayo guurka oo lagu xaddidayo, kaasoo loo qaatay in Wasaaradda iyo Guddiga Wanaag-faristu ay go’aan soo wada saareen, aniguna waan ka hadloo waxaan sheegay inaanay jirin wax go’aan ah oo Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaaftu ay ka soo saartay guurka ama cid kale oo ay go’aan wada-jir ah soo wada saareen.”

Sheekh Yuusuf Cabddi Xoorre, oo ka hadlayey Agaasimihii Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta ee baxsaday toddobaadkii hore, waxa uu yidhi; “Dorraato galab ayaan ka soo noqday Xashka, isla markii magaalada aan soo galay waxaan la kulmay inay dhacday in Agaasimihii guud ee meeshaba aannu kaga tagnay ee xilka ku sii wareejinnay inuu maamulo Wasaaradda inuu fakaday,horta midhkaasi wuxuu nagu noqday  mid la’yaab leh oo waxaannu filaynay may ahayn.”

Sheekh Yuusuf oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Madaxa Waaxda Fatwadu Sheekh Axmed wuu maqnaa oo waxay is raceen Isu-duwaha iyo Wasiirka oo waxa joogay Agaasimaha Guud, waa arrin fool-xun runtii waxa dhacay, balse maalintan Wargaysku na sawiray ee aannu sii galaynay madaxtooyada waxaannu daba joognay gadhigii Agaasimaha guud  oo uu watay Darawalkiisi, waana gadhi Serf ah oo aannu is-lahayn soo xareeya.”

Sidoo kale, waxa iyaguna ka hadlay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Diinta, kuwaasoo dhamaantood waxba kama jiraan ku tilmaamay warka laga baahiyay.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net