Hargeysa, (SLpost)-Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Somaliland ayaa shaacisay magacyada Kooxda Gobolka Maroodi-jeex uga qaybgalaysa Tartanka Ciyaaraha Gobollada ee dhawaan lagu qabanayo magaalada Burco.
Isu-duwaha Wasaaradda Ciyaaraha ee Gobolka Maroodi-jeex Cabdiraxmaan Jaamac Rooble (Shiine) oo qoraal soo gaadhsiiyey Shabakadda SomalilandPost, waxa shaaca lagaga qaaday magacyada ciyaartoyga iyo tabobarayaasha Gobolka Maroodi-jeex uga qaybgalaya tartanka Kubadda Cagta ee Gobollada Somaliland ee bisha November ka dhici doona Gobolka Togdheer xaruntiisa Burco.
Liiska magacyada ciyaartoyda iyo 3 tabobare.ayaa u qornaa sidan:
1- Cabdirisaaq Mahamed Jaamac (Gool-haye) (Goodir)
2- Cabdi Muuse Ahmed (Gool-haye) (Gaashaan)
3- Ayaanle Ahmed Muuse (Gaashan)
4- Suldaan Cabdi Xasan (D.H.H)
5- Asad Ismaaciil Aadan (Goodir)
6- Guuleed Khadar Biixi (D/ Hawada)
7- Saalax ………………….. (Asluubta)
8- Aamin Ahmed Cali (Gaashaan)
9- Maxamed Xasan Maxamed (Gabyaye) (Goodir)
10- Cabdifataax Cismaan Hossan (Gaashaan)
11- Mustafe Jawher (D.H.H)
12- Maajid Abiib ( D.H.H)
13- Cabdikariim Muxumed Xirsi (Guji) (Gaashaan)
14- Yaxye Dhalac (Isgiriin) (Nuuradiin)
15- Maxamed Khadar (D.H.H)
16- Siciid Cali Muuse (Vieira) (Gaashaan)
17- Cabdiqani Khadar Xaad (Ganacsiga)
18- Jamaal Cabdi Ahmed (Goodir)
19- Yacquub Cabdalle Faarax (Goodir)
20- Cabdiriyaad Abshir Cabdi (Gaashaan)
21- Sharma’arke Fu’aad Cali-xamdi (Goodir)
22- Cabdikariim Cismaan Yuusuf (Sheekhaawi) (Goodir)
23- Maxamed Cabdi Xasan (Goofindhe) (D.H.H)
24- Haybe Good Hurre (Goodir)
25- Khaalid Axmed Gaboose (Haboon)
26- Cawil Maxamed Cilmi (Gaashaan)
27- Cabdiraxmaan Xasan Warsame (Yaanyo) (Goodir)
28- Carabayto Muxumed Ducaale (17 May)
Magacyada Tabobarayaasha iyo Ku-xigeenadooda
1- Maxamed Maxamuud Maxamed (Diridhabe)
2- Yaasiin Ibraahim Ahmed (Aabo-yare)
3- Cabdi Yaasiin (Diito)