Wasaaradda Ciyaaraha, Dhaqanka Iyo Dhaqanku Ha Joojiso Khilaafkeedan Badan

Wasaarada dhalinyarada ciyaaraha iyo dhaqanka waxaad moodaa inay iyadu ahayd beryahan mid uu ka taagnaa khilaaf aad u ragaadiyey shaqadeedii ,taasi oo ah mid luminaysa kalsoonida ay dhalinta dalkan somaliland u hayeen wasaaradaasi iyo waliba masuuliyiinteeda kala duwan .
Madaama oo ay wasaaradani u hayso dalkan xil aad u muhiim ah oo ah dhalinta iyo ciyaaraha iyo waliba dhaqanka ,waxaa la odhan karaa waa wasaarada ka badbaadin karta dhalinta dalkan aafada iminka haysata dhaliin yarada dalka somaliland oo ah tahriibka ,sidoo kalena waxay keeni karta inay dhalinyaradu iska dayso qaadka oo isaguna ah waxa maanta burburka ku haya dalkeena iyo waliba shaqo la’aanta dalka maanta ka tagaana .
Markaynu intaasi oo dhan ka nimaadno waxay wasaarada ciyaaruhu dhowaan ku guulaysatay inay dalka ka qabato tartankii koobka gobolada somaliland oo ka dhacay magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer ,sidoo kalena ku soo dhamaaday si nabad gelyo ah ,sidoo kale waxa laga rajaynayaa wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada iyo waliba dhaqanka inay halkaasi kasii wado oo sannadba gobol ka qabato koobkaasi gobolada ee ay sannadkan ku guulaysatay inay qabato oo ay waliba ku qabato gobol ka baxsan caasimada dalka ee hargeysa ,taasi oo ku tusaysa inay magaalooyinka kalena awood u lee yihiin inay qabtaan ama marti geliyaan koobkaasi .
Waxaana la odhan karaa waxa dhalinyarada maanta dayacay ganacsatada dalkan oo iyagu aan odhan karno waa kuwa masuulka ka ah inay dhalinta dalkani noqdaan qaar bilaa camal ah ama shaqo la’aan taagan ‘iyo waliba qurba jooga somaliland ee kala duwan oo aan iyaguna dalka aan ku samayn badankoodu wax maal gashi ah .
Haddaba waxaan ugu baaqayaa oo aan kula talinayaa wasaarada dhalinyarada ,ciyaaraha iyo dhaqanka inay iska dayso khilaafkan badan ee soo noqnoqonaaya ee dhexdeeda ka jira oo ay xaliso ,waliba iyada oo ku xalinaysa hab iyada u gaara oo aan ciddi ogayn ,mana aha in la dareemo khilaafka soo kala dhex gala masuuliyiinta wasaaradaasi madaama oo ay bulshada sumcad ku dhex yeesheen ,waa in aanay masixin sumcadaasi ,waana inay waxooda oo dhan ku qabtaan kuna dhamaystaan wada tashi oo ay laasimaan .

Qore: Jaamac Cilmi Jiir
Hargeysa, Somaliland