Wasaaradda Cadaaladda Somaliland oo maanta soo saartay go’aan magacaabis, isku beddel iyo xil-ka-qaadista Guddoomiyeyaasha iyo Garsoorayaasha Maxkamadaha Gobollada iyo Degmooyinka

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda

Hargaysa, (SLpost)– Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydii ayaa maanta soo saaray Wareegto uu xilkii kaga qaaday isla markaana qaar cusub ugu magacaabay Garsoorayaasha Dalka qaarkood iyo Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Hoose oo dhan ee Goboladda Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda

Wasiirka Wasaaradda cadaaladdu Digreetada uu soo saaray maantu waxay u qornayd sidan:-

Isku-bedelka Guddoomiyayaasha iyo Garsoorayaasha

  1. Axmed Iidle Saleebaan waxa laga bedelay Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sanaag, waxaa loo bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Togdheer
  2. C/raxmaan Jaamac Hayaan waxa laga bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxa laga dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa
  3. Axmed C/laahi Bakaal waxa laga bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal, waxa laga dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Awdal
  4. Cali Suudi Diiriye waxa laga bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Saaxil
  5. Xuseen Aw Diiriye Maxamed waxa loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sanaag
  6. Axmed Saalax Yoonis  waxa laga bedelay Garsoore Maxkamadda Rafcaanka Hargeysa ah waxaana loo magacaabaya Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sanaag
  7. Maxamed Jaamac Cashuur waxa laga bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Degmadda Burco waxaana loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer
  8. Ibraahim Cabdi Yaasiin waxa laga bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer . waxa loo bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil .
  9. C/rashiid Maxamed Maxamud (Duraan) waxa loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex
  10. C/raxmaan Rooble Barre waxa laga bedelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Awdal. Waxa loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal
  11. Faysal C/laahi Ismaaciil waxa laga bedelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxaana loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka/Degmadda Gebilay.

Ka saarid Liiska Garsoorka iyo Magacaabid

  1. C/raxmaan Sh Cumar Xasan waxa laga saaray Liiska Garsoorka kadib markii shaqada laga waayay
  2. Cumar Sheekh Maxamud Axmed. Waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Degmadda Laascaanood.
  3. Sh Siciid C/laahi Axmed waxaa loo magacaabay Maxkamadda Demadda Qoryaale.

Fulinta go’aankan wasiirka Wasaaradda Cadaaladdu waxa uu u cuskaday qodobka 106aad ee Dastuurka Qaranka Faqradiisa 1aad, taasoo qeexaysa inay Wasaaradda Cadaaladdu u xil saran tahay fulinta go’aanada Guddida Cadaaladda.”

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net