Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Shaacisay Xannuuno ka dillaacay Gobollada Bari ee dalka

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixisay Xannuuno ka dillaacay deegaanno ka tirsan gobollada Bari ee dalka qaarkood iyo qorshaha ay wasaarad ahaan kaga hawl-galeen xakamaynta xannuunada oo faro baas ku haya deegaannada gobollada Buuhoodle iyo Sool.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaad Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo ay weheliyaan agaasime-waaxeedyada wasaaradda oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda, waxa ay shaaciyeen kuna soo bandhigeen xannuunadan oo astaamahooda lagu arkay gobolladaas, gaar ahaanna gobolka Sool oo saamaynta xannuunkani u badan yahay.

Faahfaahinta warkan iyo hadalka masuuliyiinta kaga bogo muuqaalka Hoose