Wasaaradda caafimaadka oo shaacisay Maalmo lagu Xoojinayo Tallaalka Dhallaanka ee cudurrada dilaaga ah

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Muxumed Maxamud ayaa Maanta si rasmi ah u furay Munaasibad loo qabtay todobaadka Xoojinta  Talaalka oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Caafimaadka kaas oo ku qabsoomay Hotel Mansoor ee magaalada Hargeysa.

Munaasibaddan waxa kale oo ka soo qayb-galay Xildhibaan ka socday Golaha Wakiilada, Mas’uuliyiin ka socday Hay’adaha UNICEF iyo WHO, dhakhaatiir iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Muxumed Maxamud “Xuseen Xoog” oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ololahan xoojinta talaalku uu socon doono mudo todoba maalmood ah waxaanu xusay in ololahani uu qayb ka yahay mashruuc lagula dagaalamayo xanuunada dilaaga ah ee dabaysha iyo jadeecadu ka midka yihiin,kuwaas oo sannadkii sadexaad laga fulinayo Somaliland .

Dr Xuseen Xoog waxa uu tilmaamay in talaalku uu sannadkii laba ilaa saddex malyuun oo ruux oo xanuuno u dhiman lahaa uu badbaadiyo isagoo intaas ku daray in bulshada looga baahan yahay sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen ololaha talaalka ee todobada cisho soconaya kaas oo ah ayuu yidhi mid heer qaran.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay wasiiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Sh.Khaliil C.laahi Axmed oo sheegay in qof kastaa xaq u leeyahay inuu helo adeeg caafimaad isla markaana aanay jirin wax u diidaya diin ahaan.

Sidoo kale Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh.Cali Ayaanle oo ka tirsan Golaha Wakiilada ee Somaliland oo ku booriyay waalidiintu inay xil iska saaraan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen ololahan talaalka isla markaana ay ubadka yar yar ee soo kacaya ay uga badbaadin lahaayeen khataraha cuduradan.

Waxaa kale oo madashaasi ka hadlay laba sarakiill oo ka socday hay’adaha UNICEF iyo WHO .

SLpost News/Hargeysa