Wasaaradda Caafimaadka oo hay’adda MSF kala wareegtay Gacan-ku-haynta Cusbitaalka Ceerigaabo

Hargeysa (SLpost)- Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa maanta kala wareegtay Hay’ada MSF gacan ku haynta Cisbitaalka Magaalada Ceerigaabo.

Munaasibad loo sameeyay ku wareejinta Cisbitaalka Ceerigaabo oo ay mudo laba sanadood ah maamulaysay hay’ada Caalamiga ah ee MSF, waxa ka qayb galay oo kale Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka, Gudoomiyaha Gobolka Sanaag,Duqa Magaalada Ceerigaabo,Isu duwaha Wasaarada Caafimaadka iyo madax kale .

Madaxa hay’ada MSF ee Somaliland ayaa madashaasi ka sheegay in ay ka dhamaatay mudadii ay gacanta ku hayeen Cisbitaalka Magaaladaa Ceerigaabo waxaanu xusay in cisbitalka ay maanta u dhamaystiran yihiin dhamaanba agabkii uu ku hawlgalayay .

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo halkaasi ka hadashay ayaa u mahad celisay hay’ada MSF oo wax badan ka qabatay adeegii caafimaad ee uu gobolkaasi u baahnaa waxaanay xustay inay ku dadaali doonaan sidii aanu cisbitaalkani heerka uu haatan ku sugan yahay, ay kor u qaadkiisa xooga saari doonaan,Wasiir ku xigeenada Caafimaadku waxaa kale oo ay ka warbixisay Siyaasada u degsan wasaarada caafimaadka eek u wajahan tayaynta goobaha caafimaad.

Marwo Nimco Xuseen Qawdhan waxay u soo jeedisay shacbiga ku nool gobolka Sanaag inay meel iska dhigaan fikradaha dantooda aan ka turjumayn isla markaana ay adkeeyaan wax kasta oo horumarkooda qayb ka qaadan kara .

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Aadan Diiriye Geel Jire ,Duqa Magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Cabdi Guray iyo Isu duwaha Cusub ee Wasaarada Caafimaadka ee gobolka Sanaag Dr Carabayte oo dhamaantoodba u mahad naqay Hay’ada Caalamiga ah ee MSF oo ay tilmaameen kaalintii ay ka qaadatay hawlaha dhinaca caafimaad ee bulshada ku nool magaalada Ceerigaabo u baahnaayeen.

Somalilandpost.net

Ceerigaabo