Wasaaradda Aw-Qaafta iyo Golaha Wakiillada oo ku Gacan-saydhay Sharci Khilaaf Diimeed iyo Mid Dhaqan Ka Abuuri kara Dalka oo Hay’ado Shisheeye Dabada ka riixayaan Hirgelintiisa

Hargeysa (SLpost)- Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in Xeer dhigaya in guud ahaanba la joojiyo Gudniinka Gabdhaha lagu sameeyo Sunni iyo Fircooniba la curiyey, isla markaana ay gacanta ku hayaan Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka, gaar ahaan (Wakiillada). Hase-yeeshee, Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland iyo Guddiyada Arrimaha Bulshada iyo Shuruucda ee Golaha Wakiillada, ayaa gaashaanka ku dhuftay suuragalnimada hirgelinta Xeerkaas guud ahaan lagu wada joojinayo Gudniinka Gabdhaha lagu sameeyo.

SICIIDGuddoomiyaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka Somaliland Farxiya Xuseen Jaahuur, ayaa sheegtay inay Komishan ahaan iyagoo kaashanaya Ururrada Bulshada, Guddi-hoosaadyada Baarlamaanka iyo Dhakhaatiirta ay olole ballaadhan u galeen sidii loo joojin lahaa guud ahaanba noocyada Gudniinka Gabdhaha lagu sameeyo ee Fircooniga oo ay Diinta Islaamku diiddan tahay iyo Sunniga oo ay Diinta Islaamku oggoshahay-ba, isla markaana ay ku guulaysteen Curinta Sharci ama Xeer lagu xakamaynayo, laguna joojinayo guud ahaanba Gudniinkaas kala duwan ee Gabdhaha.

“Labaatankii sano ee ugu dambeeyey ee ay Somaliland jirtay waxa lagu jiray ololayaal ballaadhan oo lagu xakamaynayo Gudniinka Hablaha, waxaanu hadda marayaa meel aad u fiican, waxaanannu ka galnay olole ballaadhan in la joojiyo ama la xakameeyo Gudniinka lagu sameeyo Hablaha yar-yar. Illaa hadda waxa ka qabsoomay wuxu socdaa Guddi jirta oo ah Daneeyayaasha Caafimaadka oo ay ka mid yihiin Xubno ka socda Guddi-hoosaadyo Baarlamaanka ka mid ah ayaa waxay iska xil-saareen arrimaha Bulshada, gaar ahaan dhinaca Caafimaadka, waxaanay isugu yidheeneen Ururrada Bulshada iyo Komishanka Xuquuqal Iinsaanka, iyagoo kala tashanaya sidii loo xakamayn lahaa Gudniinka Gabdhaha.” Sidaa ayay tidhi Farxiya Xuseen Jaahuur oo shalay u warrantay Weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u jooga Hargeysa.

Farxiya Jaahuur oo la weydiiyey halka uu hadda u marayo Sharciga dhigaya in guud ahaanba la joojiyo Gudniinka oo dhan, waxa ay ku jawaabtay; “Meel aad u fiican buu marayaa, Baarlamaanku aad bay isaga xil-saareen, Ururrada Bulshadu aad bay isaga xil-saareen, Komishanka Xuquuqal Iinsaanku hawl aad u adag buu ka galay, hadda meel fiican buu marayaa, waa la curiyey Xeerkaas, waxaana gebi ahaanba lagu xakamaynayaa Xeerkaas in Gudniinka Hablaha la joojiyo sida uu u dhan yahay, Xeerkaasina hadda waxa uu la yaallaa Guddiga arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka (Wakiillada).”

Mar Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka Somaliland Farxiya Jaahuur la sii weydiiyey in Gudniinka Gabdhuhu kala yahay Fircooni iyo Sunni, markaa in la wada-joojiyo sida ay tahay iyo inay kala tashadeen Madaxda Dhaqanka, Culimada Diinta iyo Dhakhaatiirta dalka, waxay ku jawaabtay; “Xeerkan immika la curiyey ama la sameeyey waxa uu xakamaynayaa dhammaan qaybaha Gudniinka oo dhan. Xagga Dhakhaatiirta haa, in gebi ahaanba way ka soo horjeedaan (Gudniinka Gabdhaha) in gebi ahaanba la tirtiro ayey raacsan yihiin, Bulshaduna sidaas ayey raacsan tahay.”

“Laakiin, qaybo ka mid ah Xukuumadda ayaan odhan karaa (way ka soo horjeedaan), waayo? Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaaftu iyadu waxay leedahay hallagu dhaqmo Sunnihii, markaa waxa weeyaan qaybahaa waa lagu kala yara duwan yahay fikir ahaan. Laakiin, Xeerkani wuxu koobsanayaa ama sheegayaa in guud ahaan Gudniinka oo dhan la joojiyo. Laakiin, la iskuma diiddana in Fircooniga laga tago waa la isku raacsan yahay, ee keliya waxa la isku khilaafsan yahay in uu Sunne noqdo iyo in laga wada tego.” Sidaa ayey tidhi Farxiya Xuseen Jaahuur oo jawaabta su’aashaa kor lagu weydiiyey sii wadatay, waxaanay soo jeedisay in dawladda iyo qaybaha kala duwan ee guud ahaan Bulshada Somaliland si wada-jir ah uga wada qaybqaataan joojinta nooc kasta oo loogu yeedho Gudniinka Gabdhaha, iyadoo ku doodday inaanay jirin meel cayiman oo la isku waafaqsan yahay in laga jaro xubinta taranka Gabdhaha marka loo eego Gudniinka Sunniga ah, sidaa awgeed-na loo baahan yahay in guud ahaanba la joojiyo.

Hase-yeeshee, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo xalay Khadka Taleefanka uu arrintaa wax kaga weydiiyey Weriye Cabdifataax I. Mursal oo ka tirsan Wargeyska Himilo, ayaa sheegay inaanay Wasaarad ahaan taageersanayn hirgelinta Sharciga lagu tirtayo guud ahaan Gudniinka Gabdhaha, Diinta Islaamka, gaar ahaan Mahdabta Shaaficiyada ee aynu haysannaana oggolayn sidaas.

“Waxa weeye annagu haddaannu nahay Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland ma oggolin in Hablaha lagu sameeyo Gudniinka Fircooniga ah iyo Qodobka ama toltolidda Hableheenna, Diinta Islaamku-na ma oggola Gudniinka Fircooniga ah ee Gabdhaha. Laakiin, Gudniinka Sunniga ah Mahdabta Diinta Islaamka ee Shaaficiyada ee aynu ku dhaqannaa waxay oggoshahay in Gabdhaha Xubinta taranka laga dhiijiyo ama wax laga jaro, balse in la yidhaahdo guud ahaanba wax Gudniin ah yaan lagu samaynin ma oggola, annaguna Wasaarad ahaan ilaalinta Diinta iyo inaan khilaaf Diineed iyo Mahdabeed dalkeenna ka abuurmin ayaannu Masuul ka nahay. Markaa, in la yidhaahdo guud ahaan Gudniinka Gabdhaha halla joojiyo ma raacsanin, waanan ka soo horjeednaa taas.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaaftu.

Wasiir Khaliil waxa uu sheegay in Mashruucan ay wadaan Gaaladu, balse dalalka Islaamka qaarkood uu ka hirgelay, hase-yeeshee aanay Mahdabta Diinta Islaamka ee Shaaficiyada ee aynu haysannaa oggolayn in guud ahaan gudniinka Gabdhaha laga wada tago, waxaanu Wasiir Sheekh Khaliil oo ka hadlaya arrintaas uu yidhi; “Waxan waxa wada Gaalada, olole badanna waa loogu jira, annagana way noo yimaaddeen qolyaha wada in gebi ahaan la tirtiro Gudniinka Gabdhaha, kaasoo ka hirgelay waddamada Islaamka ah qaarkeed ee Pakistan iyo Khaliijka, Sucuudigana way ka jirtaa oo ay ka daayeen Hablohooda in wax gudniin ah lagu sameeyo, waxay nagu yidhaahdeen maxaad kaga duwan tihiin dalalka Islaamka ee joojiyey gudniinka Gabdhaha oo dhan.”

“Waxaannu qoladaa Caddaanka ah ee noo timi u sheegnay inaannu wada-nahay dalal Islaam ah dalalkaas. Laakiin, Mahdabta Shaaficiyada ee aynu haysannaa ma oggola joojinta guud ahaan Gudniinka Gabdhaha, ee waxay xalaalaynaysaa in Inanta la gudo, loona gudo si aan dhib iyo tacaddi toona ku ahayn oo ka dhiijin ama caarada laga jaro xubinta taranka, taasna wacyigelinteeda annagaaba Wasaarad ahaan ka qayb-qaadanna, annagoo leh halla joojiyo Gudniinka Fircooniga ah waa xaaraan, Diinteenna Islaamkuna ma oggola, balse Sunnaha sameeya, hase-yeeshee, ma oggolin wada joojintaas.” ayuu yidhi Wasiirka Khaliil.

Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, waxa uu sheegay in Mustaqbalka dhaw ama labaatanka sano ee soo socda ay suuragal tahay in laga doodo oo Madaahibta Islaamka, waxaanu yidhi; “Waxa iman doonta mustaqbalka illaa labaatanka sano ee soo socda inaynu nidhaahno aynu ka doodno oo aynu Madaahibta Islaamka isu keenno mid waliba halka ay ka taagan tahay oo ay Culimadu wax badan isla eegto, waxna la isla qaato.”

“Laakiin, haddaynu Somaliland nahay maanta ma joogno meeshaynu ka odhan lahayn aynu guud ahaanba joojinno Gudniinka Gabdhaha, sababta oo ah maanta uma baahnin Khilaaf Diimeen iyo mid dhaqan toona. Waxaynu dadkii ku qasbaynaa oo aynu inta badan ka furfuri kari la’nahay Gudniinka Fircooniga ahi waa xaaraan ee joojiya oo Gabdhaha ka daaya Fircooniga oo Sunniga u soo guuro.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Khaliil.

Waxaanu Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Innagoo maanta taa dadkeenna ku dhiraan-dhirrinayna siday u qaadan lahaayeen oo Maansha Allaah uu magaalooyinkeenna si fiican inta badan uga hirgelay, balse dhulkeenna Miyiga ah weli ay ka jirto Caadadaa Fircooniga ah ee muddada dheer aynu soo isticmaalaynay oo ay Dadka waawayn badankoodu laba yaabban yihiin joojiyada, inaynu haddana maanta nidhaahno guud ahaanba Gabdhaha Gudniinka ka joojiya oo sida Gabdhaha Caddaanka ah ka dhiga, waxay abuuraysaa khilaaf iyo iska-hor-imaad, waxaana dhammaanteen Waajib innaga wada saaran yahay inaynu Ixtiraamno Mahdabta Shaaficiyada ee aynu haysanno, kuna dhaqanno, wixii ay oggoshahayna qaadanno, waxay diiddan tahay ee ay innaga reebtay-na ka tagno. Waxaanannu soo dhawaynaynaa in Sharci qabanaya Cidda ku kacda Gudniin Fircooni ah in la sameeyo, balse in la sameeyo ama la ansixiyo Sharci qabanaya cidda gudniin Sunni ah samaysa, wax suuragal noqon kara ama waqtigan dhici kara maaha.”

Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, waxa uu sheegay in Golaha Wakiillada uu ka mid yahay Golayaasha Qaranka Somaliland ee ay Masuuliyadda wayni ka saaran tahay ilaalinta iyo dhawrista Shareecada Diinta Islaamka, gaar ahaan Mahdabta Shaaficiyada ee aynu haysanno, waxaanay Masuul ka yihiin sida Dastuurka Somaliland dhigayo in Sharci kasta oo ay dejinayaan ama samaynayaan ka ilaaliyaan guud ahaan wixii ka hor imanaya Diinteenna Suubban, Axaadiista iyo Sunnaha Rasuulkeenna Suubban ee Muxamed (S.C.W), sidaa daraaddeed-na aanay ka filaynin inay ansixiyaan Sharciyo Diinta ka hor-imanaya ama khilaaf Madaahibta Islaamka ku saabsan dalka ka abuuri kara. Waxa uu Wasiir Khaliil intaas ku daray inay Wasaarad ahaan diyaar u yihiin soona dhawaynayaan la-tashi kasta oo Diinta iyo Mahdabta ku saabsan inay Baarlamaanka kala shaqeeyaan.

Haddaba, waxa uu Wargeyska Himilo isla xalay Khadka Taleefanka kula xidhiidhnay, isla markaana arranta Sharcigan aannu wax ka weydiinnay Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqda Aadamaha ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, hase-yeeshee, waxa uu ku dooday inaanu Sharcigaasi weli gaadhin Guddigooda, balse ay suuragal tahay inuu Golaha gaadhay. “Sharcigaasi wali Guddi ahaan nama soo gaadhin, laakiin marka uu na soo gaadho Guddi ahaan ayaannu ka hadli karnaa. Goluhuna intaynu ku jirnan Bishan Barakaysan ee Ramadaan fasax ayuu ku jiray, waanay dhici kartaa in Golaha loo soo gudbiyey Shirguddoonka Golaha, balse bacda Ramadaan marka aannu fasaxa ka soo noqonno ayaannu ogaan karnaa, marku na soo gaadho Guddi ahaan-na waannu ka hadli karnaa.”

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo aan weydiiyey in Sharcigaas ay ku jiraan qodobbo dhigaya in guud ahaan la joojiyo Gudniinka Gabdhaha lagu sameeyo ee xataa uu Sunnigu ka mid yahay, taasna aanay Diinta Islaamka, gaar ahaan Mahdabta aynu haysanno ee Shaaficiyadu aanay oggolayn in Gudniinka Sunniga ah ee Gabdhaha la joojiyo iyo waxa ay ka yeeli karaan marka Sharcigaasi gaadho, waxa uu ku jawaabay; “Sallacalee, Adeer dad Islaam ah oo Diin iyo Mahdab haysta ayaynu nahay, annagana Gole ahaan ama Guddiyada Shuruucda ee Golaha Wakiilladu waxaannu Masuul ka nahay ilaalinta wax Sharci kasta oo Diinta ka hor-imanaya, markaa mar walba xagga Diinta Islaamka ayaannu nahay.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshada iyo Diinta ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, ayaa isagana Wargeyska Himilo xalay Khadka Taleefanka wax kaga weydiiyey waxa ka jira inay Guddi ahaan gacanta ku hayaan Sharciga la curiyey ee la doonayo in guud ahaan-ba lagu joojiyo Gudniinka Gabdhaha lagu sameeyo hadduu Sunni yahay iyo hadduu Fircooni yahay-ba, ayaa sheegay inaanay arrintu sidaas ahayn ee ay ka duwan tahay.

“Guddi ahaan Masuuliyad baa naga saaran arrimaha Bulshada Somaliland, markaa Sharcigaasi wali nama soo gaadhin ee marka uu na soo gaadho diyaar baannu u nahay inaannu ka shaqayno Xakamaynta Gudniinka Gabdhaha lagu sameeyo ee qofka la jarjarayo ee la tolayo ee dhibta badan ku haya Gabdheheenna.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan.

Hase-yeeshee, Xildhibaan Xasan Cawaale oo aannu sii weydiinnay in Xeerkaas ama Sharcigaas Komishanka Xuquuqda Aadamaha ee Qaranku sheegay in guud ahaan lagu tirtirayo Gudniinka Gabdha uu Guddigiin-na arrimaha Bulshada la yaallo oo la curiyey meel fiicanna uu wakhtigan marayo, Diinta Islaamka, gaar ahaan Mahdabta Shaaficiyada ee aynu haysannaana oggolayn in dhammaan Gudniinka la joojiyo, balse ay oggoshay in Fircooniga la joojiyo iyo sida ay Guddi ahaan isu waafajinayaan, waxa uu ku jawaabay; “Maya, Maya! Horta Xeerkaasi wali nama soo gaadhin, laakiin waxa laga yaabaa in Golaha la keeno, ka dibna naloo soo gudbiyo, balse qorshuhu maaha in guud ahaanba Gudniinka la joojiyo, ee waxa laga hadlayaa ee la xakamaynayaa waa Gudniinka dhibta badani Hableheenna ka qabsato ee Fircooniga, Sunniga Diinta ayaa oggol, dhibna malaha, wax Diintu oggoshahayna annagu Guddi ahaan iyo Gole ahaan toona kama hor-iman karno, mana joojin karno.”

Mudane Caynaan oo ka jawaabayey Su’aal aannu ka weydiinnay inay Guddigoodu isugu yeedhay Ururrada Bulshada, Dhakhaatiirta iyo Komishanka Xuquuqda Aadamaha ee Qaranka Somaliland, isla markaana kulan iyo wada-tashi ay yeesheen, ka dib ay isla go’aamiyeen in guud ahaanba Gudniinka Gabdhaha la joojiyo, Sharci-na laga sameeyo lagu xakamaynayo dhammaan inaan Gabdhaha sina-ba loo gudi Karin, waxa uu ku jawaabay; “Sidaa arrintu maaha, wuu jiray Kulankaas iyo wada-tashigaas, waana la isla soo qaaday, balse qorshuhu maaha in guud ahaan Gudniinka Gabdhaha la joojiyo, ee Gudniinka Xaaraanta iyo xad-gudubka ah ee Fircooniga ee aanay Diinteenna Islaamku-na oggolayn weeye ka aannu leenahay halla xakameeyo. Laakiin, guud ahaan Gudniinka halla joojiyo ma lihin, mana suuragalayso in wax Diinteennu oggoshay aannu joojinno ama aannu xaaraantinnimayno, mana dhici karto, marka Sharcigaasi na soo gaadhana waannu eegi doonnaa.”

XIGASHO: Himilo