Wasaaradaha Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha Oo Qaabilay Koox Dalxiisayaal oo Dalka Booqasho ku yimi

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md Abiib Diiriye Nuur (Tima-cad),  ayaa maanta  xafiiskiisa ku qaabilay Koox Dalxiisayaal ah oo booqasho ku jooga dalka.

Xubnahan Dalxiisayaasha ah oo ka kala socday Wadamada Ingiriiska, Jarmalka iyo Faransiiska, ayaa haweenay ka mid ah oo u hadashay ay Sheegtay inay tahay markii ugu horaysay ee ay Somaliland timaado isla markaana ay ku aragtay Waxyaabo faro badan oo soo jiitay, aadna ay ugu faraxsan tahay Imaatinkeeda Somaliland.

Guud ahaan Xubnahan Dalxiisayaasha ahi ay Tilmaameen nabadgalyada Buuxda ee dalka ka jirta,iyagoo ka mahadceliyay Sida diiran ee Meel kasta oo ay tagaan loogu soo dhawaynayay.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Abiib Diiriye Nuur oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, ayaa si Wada Jir ah Xubnahan Dalxiisayaasha ah warbixin uga siiyay hawl qabadka Wasaarada Warfaafinta iyo Waaxyaha ay ka kooban tahay, waxaanay xuseen in Imaatinkoodani uu ka Turjumayo nabadgalyada iyo Xasiloonida buuxda ee ka jirta Somaliland,Isla markaana ka rajayanayaan in Wixii ay indhahooda ku arkeen ay gaadhsiin doonaan Shucuubta ku dhaqan Wadamada ay ka kala socdeen.

Dhinaca kale, Dalxiisayaashani Waxaa booqdeen Suuqyada Caasimada iyo Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha,halkaas oo ay ku qaabileen Wasiir ku Xigeen arrimaha Gudaha ee dhinaca Maamulka Md Cismaan Garaad Soofe oo ay wehelinayeen Ku-simaha Duqa Caasimada Hargaysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi iyo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje).

SOMALILANDPOST.NET