Wasaaradaha Caddaaladda, Diinta iyo Maxkamadda Sare oo ka arrinsaday Culimada Ruqsadda loo siiyo Adeegyada Shareecada Islaamka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada kulan dhawaan ay Yeesheen Wasaaradaha Caddaaladda, Diinta iyo Aw-qaafta iyo Maxkamadda Sare ee Dalka.

 

Kulanka waxa Wasiir Caateeye ku wehelinayey Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi iyo Guddooiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxaana lagaga wada-hadlay sidii loo tayayn lahaa Culimada dalka ee ku shaqeeya adeegyada Shareecada ee Islaamiga ah oo isugu jira Meherka, xukunnada Dhaxalka iyo Magaha, kuwaas oo wada-shaqayn la leh wasaaradaha Caddaaladda iyo Diinta iyo Aw-qaafta.

maxkamadda sare cadaaladda diina iyo awqaafta

Md Caateeye oo u warramayey Telefishanka SAAB, waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda nololeed ee Maxaabiista ku jirta Xabsiyada dalka oo tayadooda caafimaad iyo nololeed si weyn loo dhaliilay.

 

HADDABA FAAHFAAHINTA WARKAN OO XAMBAARSAN WARAYSI WASIIRKU KAGA HADLAY ARRIMO DHOWR AH, KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE