Wasaarada Waxbarashada Gobolka Sanaag oo Mar kale Qaylo dhaan Musuq-maasuq ka soo yeedhayso iyo Wasaarada Dalka oo aan warkeedaba hayn!

Aniis2Waxa maalmihii u danbeeyey isa soo taraya cabashooyinka iyo qaylo-dhaanta ka soo yeedhaysay macalimiinta dugsiyada dowliga ah ee Ceerigaabo , kana cabanaya mushaharka dowladu siiso oo aan ku filnayn ka dib markii maamulka wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee gobolka Sanaag Mudane Aniis Saalax X. Xasan uu goostay lacag ku dhow Labaatan iyo Shan doolar malinkiiba , waa sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah macalimiinta dugsiyada ee uu ka goostay lacagtan aan sharciga waafaqsanayn dhawaanna ay ahayd markii xukuumada talada haysaa ay u kordhisay mushaharada.

Macalilmiinta gobolka Sanaag ayaan haba yaraatee awood u lahayn in ay ka hadlaan cabashadoodana gaadhsiiyay maamulka Wasaarada Waxbarashada Dalka sababtuna ay ku micneeyeen in aanay haysan warbaahin ay codkooda ku dhiibtaan hiilna ay bidaan , kagana ciil baxaan cunaqabataynta Isuduwaha Wasaaradu ku hayo mushaharkoodana maalinba sida uu doono kaga yeelayo maadaama gobolka ay joogaan keliya laba Telefishan iyo Idaacadda Radio Hargeysa , warbaahintaasi-na ay kala yihiin TV-ga iyo Idaacada afka xukuumada ku hadla uuna u joogo Isu-duwe weriyana ah iyo TV-ga HCTV oo ah mid ku jira gacanta Isu-duwahaas oo hadda iyo jeer u adeegsada warbaahintaas lacag af-buuxin ah.

Macalimiinta ay ku andacoonaya haddii ay hadlaan kana cawdaan mushaharkan uu jarto in uu ugu hanjabo in shaqada laga eryi doono, cid ku soo celin kartaana aanay jirin.

Muceeshada magaalada Ceerigaabo kolka loo eegona aanay haba yaraadeene waxba ka tarayn macalin u soo shaqo tagay Toban carruur ah iyo hooyadoo oo iskuulo sare ama jaamacado qaar ugu jiraan 120-ka doolarna wab aanay ka bixinayn. Waa kan Macalin codsanaya in aan magiciisa la shaacain ‘’ Waxaan ahay macalimiinta muddada dheer wax soo dhigaysay shaqo kale ma haysto waxaan u soo jarmaadaa subax kasta waa iskuulkaas waxan dhalay 7 ciyaal ah oo 5 ka mid ahi iskuulka ku jirto, midna Jaamacada sanadkii labaad ii dhiganayo , meel kalena waxba igama soo galaan aan ahayn mushaharka dugsiga aan ka qaato, 120 Doolar ayaa lagu sheegaa lacagtaan qaadano , weligayona maanu u xaadirin lacagtaas , 20 Doolar hadda ka hor buu naga goostay maamulka wasaaraddu oo Isu duwaha ayaa marba meel saara oo yidhaahda maantana meel heblaayo ayaa qaadhaan loo uruurinayaa, anaga yaa noo uruurinaya kaayaga bukooda , ka shil ku dhaco iyo qofkii masiibo kale ku timaado midna wasaaradu waxba kama oga xuquuq kalena nalama siiyo’’ Macalin kale oo isna dhiibtay fikirkiisa ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto arinkan ‘’ Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah wax looga qabto cabashadayada afkaa nala hayaa xabsi banau ku jirnaa idinkuna hadeerba magacayga ha sheegina ileen mushaharkaa layga goosanyaa cid iga qabanaysaana ma jirto shaqona tan ayaan ku indho belay oo xoogaygii iyo maskaxdaydiiba ku bixiyay e’’

Ugu danbayntii macalimiinta dugsiyada Hoose dhex ayaa u eeg kuwo la ciirciiraya dayow iyo jahwareer ay la daala dhacayaan mushaharka iyo sixir bararka Ceerigaabo ka taagan , isla markaana waqtigu ku simay, wasaarada Tacliintuna ay noqonayso meel aan ka war hayn degmooyinkeeda iyo goboladeeda haddii ay sidan ku sii eegatona loo qaadan doono inay raali kaga tahay waxyaabaha uu samaynayo isagoo ugu baana macalimiinta in aan cid wax ka qaban kartaa aanay jirin Ilaahay mooye, horena wax loogu eedeynayay in Isu duwuhu leexsaday isla markaana si cad uga xisaabtamin xalka uu mariyay lacagtii qaadhaanka wadada ayna hore warbaahinta maxaliga ah ee gobolka dibediisu wax ka qortay.