Wasaarada Macdanta iyo Biyaha oo jawaab ka bixisay Sed-bursiimo lagu eedeeyay inay u Qorsheysay Ceelal Dalka laga Qoday

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay eedaymo ay xildhibaanno ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanku ugu jeediyeen inaanay wasaaraddu si caddaalad ah dalka ugu qaybin qoditaanka Ceelal ay ku deeqeen dalalka Kuwait iyo Imaaraadka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Macdanta, biyaha iyo Tamarta Somaliland Md. Siciid Axmed Jibriil iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco oo maanta si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay xarunta Wasaaradda, ayaa tafaasiil ka bixiyey tirada ceelasha iyo goobaha laga hirgeliyey, waxaanay been abuur ku tilmaamay eedaynta xildhibaannadu u jeediyeen wasaaradda.

Agaasimaha guud waxa uu shirkaasi ka akhriyay war-saxaafadeed dheer oo u dhignaa sidan:-

“Anigoo ka jawabaya hadal deelqaaf iyo gaf ku ah Milgaha Dawladnimo, ta masuulnimo iyo ta islaamkaba oo mamnuucaysa in qof Masuul ah laga sheego Been cad oo aan geed loogu soo gaban.

Taasoo, Seddex xubnood oo ka mid ah Xildhibaanada Goloyaasha ay warbaahinta qaarkood siiyeen waxbixin aanay hubsan oo xaqiiqada ka fog,taas oo aan ku sheegay in aanay soo arag ceelel laga qoday Sanaag iyo Ceel Afweyn
Waxa la yidhi Nin meeli u Cadahay meeli ka madaw waxa xaqiiqo ah in ay salka ku hayso dan shakhsi oo aan hore uga baayaamiyey warbaahinta waxaanse ka jeclaan lahaa iyadoo laga hadlayo Danta Guud, iyadoo loo danaynayo Dalka iyo Danta guud
Xildhibaanada hadlay ee wali ku dhegsan nin dan gaar ah lahaa oo Dawlada sifo Qabiil uga raadinayey dan uu gaar u leeyahay markuu ka waayeyna soo adeegsaday intuu is yidhi dantaada gaarka ah bay kuu fulinayaan.

Waxaan warbaahinta u sheegaya Warsaxafeed kaygii hore sida ay Wasaaradu u qaybisay ceelsha Dawalada kuwayt ugu deeqsay Somaliland oo ah 12 Ceel, waxaan sheegay inta Ceel ee Gobol kasta la siiyay iyo Meelaha ay kala yihiin, waxa kale oo aan sheegay inta shirkadood ee aan qandaraaska siinay, inta ceel ee ay dhameeyeen iyo inta u hadhsan waana sidan:-
1- Toban ceel oo laga qoday Jaleelo iyo Xumba-weyne oo loogu tala galay Bariga iyo Koonfurta Magaalada Hargaysa
2- Sagaal ceel oo laga qoday Burco oo loogu talagalay waraabinta magaalada iyo nawaaxigeeda.

Sida ay magaalada ugu kala qaybsan yihiina waa sidan hoos ku xusan :-

Galbeed (saylda ,Dr Muuse ,Maxamed cali ,Qandahaar )
Bari (Siibakhti ,Timaweynta ,Oktober ,Buqleeya )
Deeqda Kuwait ee 12 ceel waxaan u qaybinay sidan
1-Awdal /Salal 2 ceel (Gargooray, Camuud )
2-Mariidijeex 2ceel (Dameera- boob, Salaxley )
3-Saaxil 2ceel (Faradeero , Goobaare )
4-Sanaag 3ceel (Laanqiciye,Badhan ,Ceel afweyn )
5-Togdheer 2ceel (Qabri huluul ,Dhoqoshay )
6-Sool 1ceel (Widh widh)
Haddaba, waxaan ku soo ururinayaa waa lagu fiican yahay in warbaahinta laga dhigto meel la isku waydaarto oo warbixin aan Sal iyo Raad midna lahayn la siiyo, taasoo aanay raganimo iyo dadnimo midna ku jirin
Waxaa ka haboonayd in ay xildhibaanadu xafiskayga igu yimadaan ina waydiiyaan waxa ay garan waayeen anna aan ka shaafiyo wixii mugdi ku jiro.

Marse haday dhacday waxan leeyahay yaanay mar dambe dhicin ee marka aad wax garan waydaan noo yimaada aan wada hadalno
Hadaad na fahmi waydaan waxa jira siyaabo kale oo aan warbaahinta ahayn oo waxa la isku sheego oo ka mudan in dadwaynaha la ma jaro habaabiyo waxa aan jirinna loo sheego iyadoo looga jeedo dan gaar ah ama arrimo kale oo siyaasad salka ku haysa. Allaa Weyn.”

Dhinaca kalena Maareeyaha wakaaladda biyaha Burco Ibraahim Yuusuf Diiriye (Jirde) ayaa faah-faahin ka bixiyay habka ay u qeybiyeen deeqihii ceelasha riigaga ahaa ee ay heleen mudadii labada sanadood ahayd ee ay xilka hayeen.
Maareeyuhu isagoo ka jawaabayay hadalka Xildhibaanada waxa uu yidhi “Xildhibaanadani hadlay marka hore waxay ahayd inay wakaalada biyaha ee Burco waraystaan haddii ay dadweynaha reer Burco u doonayaan Biyo. Burcana galbeed iyo bariba waxa nidaamkooda Biyuhu hoos tagaa wakaalada biyaha Burco. Hadalka Xildhibaanadana waxaan kaga jawaabaynaa arrinkaasi ma aha mid jira ee waa mid dadka lagu kicinayo. Waxaan dadka reer Burco iyo ummadda Somaliland-ba u sheegaynaa inaan hadalka Xildhibaanada aanay waxba ka jirin oo uu yahay hadal meel waayay.”

Maareeyuhu isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Markaan idiin faah-faahiyo mudadii labada sanadood ahayd ee aanu haynay xilka wakaalada oo la ii tiriyay laba sano ka hor. Markaan idiin sharaxo sagaalkii Ceel ee Imaaraadka carabtu inoogu deeqday, Ceelka koowaad waxa laga qoday Kaantaroolka Oodweyne oo galbeedka Burco ah. Ceelka labaadna waxa laga qoday Maxamed Cali ama xaradii dhaawaca SNM-ta oo galbeedka Burco ah, Ceelka sadexaadna waxa laga qoday Digtoor Muuse Beertiisa oo galbeedka ah. Ceelka afraadna waxa laga qoday ina Jaamac meesha uu geella ku haysto waana galbeedka Burco. Shanta ceel ee hadhayna waxa ka koowaad waxa laga qoday halka labadii ceel ee hore ee wakaalada Biyuhu ku yaalaan waana magaalada dhexdeeda. Ceelka labaadna waxa laga qoday halkii Timo-weynta ee ceelka hore ee Huteelka Plaza ka dambeeya. Ceelka sadexaadna waxa laga qoday Sii Bakhti ama xerada qaxoontiga. Ceelka afraadna waxa laga qoday October halka ay ku dhammaato. Ceelka shanaadna waxa uu ku yaalaa badhtamaha magaalada Burco waana ceelka faras ka bood. Sidaas ayaanay loo qeybiyay sagaalkii ceel.”

“Ceelka badhtamaha Burco ku yaala mooyaane’e min afar ceel ayaa laga hirgeliyay galbeedka iyo Bariga Burco. Waxaanan nidaamka wakaalada Biyaha ku soo xidhnay saddex ceel oo ka mid ah ceelashaasi cusub,”ayuu yidhi Maareeyuhu, waxaanu intaasi ku daray “Waxa kale oo na soo gaadhay afar ceel oo kale oo deeq ah. Afartaasna waxaanu u qeybinay habkii hore mid la mid ah. Waxaanan dhammaantood hoos yimaadaan wakaalada Biyaha Burco. Xildhibaanadaasna waxaanu leenahay olaluhu meel kale ha idinka galo hase yeeshee yaanay ku wareegin biyaha Burco waxaanan u soo jeedinayaa inaanay biyaha siyaasadeyn. cid kasta oo danaynaysana waanu ku casuumaynaa wakaalada biyaha Burco iyo Ceelasha Cusub.”

SOMALILANDPOST.NET

webmater@somalilandpost.net