Wasaarada Maaliyada Oo Sodon Booyadood Oo Biyo Ah Ugu Deeqday Deegaanada Gobalka Hawd

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka wasaraada maaliyada Samsam Cabdi Aadan ayaa sodon booyadood oo biyo ah gadhsiisay dadweynaha deegaanka gobalka Hawd oo maamihii la soo dhaafay laga dayrinaayay xaalada biyo la’aaneed ee ay ku jiraan.

Waxa ay qaybinta biyahan wasaarada maaliyadu ku wareejisay xildhibaan Nacnac, waxaana ugu horayntii wasiir Samsam oo halkaas ka hadlaysay ay tidhi “Waxaanu saaka halkan deeq biyo ah ku wareejinaynaa xildhibaan Nacnac sodon booyadood oo loo kala diraayo Saylbari Sayla galbeed, Masaajidka, Balicabane iyo Gumarta, deegaanadaas oo la soo sheegay inuu haraad badani ka jiro waxii kale ee soo kordhana xildhibaanka ayaanu kala xidhiidhaynaa, roobka alle ayaa lagu dhargaaye diyaarbaanu u nahay inana wax kaa qabano.”

Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac ayaa isaguna halkaas ka yidhi “Alle waxaanu ka baryaynaa gacan aadame laguma baahibaxee in alle gacantiisii waynayd uu ku soo qaboojiyo dhulka hawdka oo dhan oo wada haraadan, markii aan shalay u imi wasiiradu fasax ayay ahayd saaka markii ay timina markiiba waa ay ka jawaabtay sodonkaas booyadoodna u qaybi ayay tidhi sida uu dadku u kala badan yahay.”

Biyo la’aan xoogan ayaa deegaanadaas mudooyinkii ugu danbeeyay ka jirtay.