Wasaarada Ganacsiga oo Ganacsatada Dalka Uga Digtay In Lagu Qabto Iyaga oo Ka Ganacsanaaya Bacaha La Mabnuucay

 

Hargeysa(SLpost)-Agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga Soomaaliland Maxamed Sheekh Cumar, ayaa ganacsatada dalka uga digay inay dhuumasho ku keenaan bacaha oo wakhtigii loo qabtay inay dalka kaga baxaan uu dhamaaday.

11880918_891848780862819_926949954_n

waxa uu agaasimahu sheegay cidii lagu qabto iyada oo ka ganacsanaysa bacaha la mabnuucay in sharciga la’la tiigsan doono, isla markaasna shirkadaha lagu ogaado inay keeneen ruqsada ganacsiga lagala noqon doono.

waxaanu sidan ku sheegay shir jaraaid oo uu kula hadlay warbaahinta waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“wasaarada ganacsigu maadaam ay u xilsaarantahay ganacsiga dalka waxaanu joojinay ka ganacsiga bacaha iyo soo dajintoodaba, ganacsade kasta oo lagu qabto sharciga ayaa la horgaynayaa oo ciqaabteeda ayuu marayaa, waxaanu ka joojinay inay dekedaha iyo madaaradaba ay ka soo dagaan iyo in baraha kastamada iyo goobahaas oo dhan lagu arko, cidii lagu qabtona waxay noqonaysaa in ruqsadii ganacsiga lagala noqdo, maadaama shuruudii uu ku qaatay liisanka ay ka mid ahayd in waxii dalka laga ogol yahay uun uu kaga ganacsanaayo, waxaanu ugu baaqaynaa in ganacsatada iyo shacbiguba ay bahashaas iska joojiyaan.”