Wasaarada Duulista Somaliland oo beenisay Khilaaf la Sheegay inuu u dhexeeyo Wasiirka Iyo Agaasimaha Guud

Hargeysa (SLpost)- Wasaarada duulista Hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay khilaaf la sheegay inuu soo kala dhex galay Wasiirka iyo agaasimaha guud ee Wasaaradaasi.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Siciid Mahdi Ileeye (Saqiiro), ayaa sheegay inaanu wax khilaaf ahi soo kala dhex galin Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee duulista, iyada oo warbaahinta Maxaliga qaarkood todobaadkii hore baahiyeen in khilaaf lacageed oo kala dhex galay labadan masuul.

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska Ku-simaha agaasimaha guud oo arrintan ka hadlaya, ayaa u dhignaa sidan:“Waxa maalmihii u danbeeyey ku soo baxay qaar ka mid ah warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland, warar sheegayey in ay isku dhaceen wasiirka wasaarada duulista Hawada  Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Agaasimihiisa guud Axmed Dalal Faarax.

Hadaba, waxaanu cadaynaynaa in aan warkaa waxba ka jirin ee uu yahay been abuur cad oo aan sal iyo raadtoona lahayn, wasiirka duulista iyo agaasimihiisa guudna ay ka dhaxeyso wada shaqayn fiican, mana jiro wax khilaaf ah oo u dhexeeyaa.

Waxaanu mar labaad cadaynaynaa in aan warkaa waxba ka jirin ee uu yahay been abuur, waxaanu kula talinaynaa warbaahinta sida khaldan wax u qortay, inay wax naga weydiiyaan wixii wasaarada ku saabsan inta aanay qorin, agaasimihii guudna uu waqtigan shaqo ku maqan yahay.

SLpost News/Hargeysa