Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Beenisay Inuu Dadqal Dad Ku Waxyeeleeyay Gobalka Sool

Hargeysa(SLpost)-Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye ayaa beeniyay in dadqal uu caruur ku cunay duleedka magaaladda Laasacaanood, waxaanu warkaas ku tilmaamay mid aan wali la xaqiijin.

Wasiirka ayaa sheegay inay la xidhiidheen masuuliyiinta gobalka isla maraasna aan wali wax la qaaban kar iyo cadaymo toona heli, waxaana isaga oo arimahaas ka hadlaayay uu hidhi “Waxa ay iisheegeen masuuliyiintii gobalka joogay in waxani uu wali dhalanteed uu yahay oo aan la hubin, waxa la leeyahay kilidhka ayuu ka yimi iyo waxaas, waxaanan nidhi na taabsiiya waxan ama iyada oo la qabtay ama cid uu cunay ilaa hadan wax sheegaa ma jiraan, wali cid nala taabsiiyay ma jirto, Hargeysaba ay jiri jirtay mar la odhan jiray dadqalbaa wax cunay, mararka qaar dumarkaa caruurtooda ku soo xero galiya.”

Shalay ayay soo baxeen warar sheegayay wiil sadex jir ah oo u dhintay dhaawac ka soo gaadhay qof doonayay inuu cuno oo ka qaatay araaga gurigooda oo ku yaala tuulada Dibtaag oo aan ka fogayn magaalada Laasacaanood.