Warqad Sun xambaarsan oo madaxweyne Obama lagu Socodsiiyey oo Dhexda laga Qabtay

Madaxweynaha Maraykanka

Washington (SLpost)- Warqad sun xambaarsan oo la sheegay in Madaxweyne Obama loo soo diray, ayaa lagu qabtay xarunta hubinta waraaqaha ee Aqalka cad.

Siroonka Maraykanka ayaa sheegay inay ka heleen baadhitaano hordhac ah sun nooca loo yaqaan ricin, warqada madaxweyne Obama loo soo diray, isla markaana hubinaaan inay xidhiidh leeyahiin warqad kaloo soo diray xildhibaan baarlamaanka Maraykanka ka tirsan, lagana helay dareere sun halis ah salaasadii.

Madaxweynaha Maraykanka
Madaxweynaha Maraykanka

Afhayeenka aqalka Cad, Edwin Donovan ayaa sheegay inay warqada ka heleen sirdoonka aqalka cad xarunta hubinta waraaqaha, oo dhamaan waxii soo gala lagu hubiyo. “Xaruntu waxay si joogto ah u hubisaa waraaqaha  iyo xidhmooyinka u baahan hubin labaad, ka hor intaan la gudbin.”

Sirdoonka ayaa la sheegay inay kala shaqeynayaan booliiska iyo FBI baadhitaanka warqadan sumaysan ee loo soo diray madaxweynaha.

Warqad hore loogu diray xarunta Aqalka odeyaasha Maraykanka ayaa laga helay dareere sun halis ah, isla markaana loo gudbiyey xarunta Maryland si hubin dheeraada loogu sameeyo.

Warqadaa ayaa ku caalaamadsanayd in laga soo diray Memphis, Tenn., balse aan lahayn ciwaanka soo diraha.

Xildhibaan Claire McCaskill, ayaa sheegtay in warqadu ka timi shaqsi inta badan waraaqo u soo dira xildhibaanada, balse diiday magacaabistiisa, inkastoo saraakiishu baadhitaan ku samaynayaan.

Suntan ricin ayaa la sheegay inay tahay sun halis weyn leh, si dabiiciyana looga helo midhaha castor, oo saliida laga sameeyo. Suntan ayaa ku jirta hadhaaga saliida laga sameeyo, taasoo sida daqiiqda, ama neef laga dhigi karo.

Suntan ayaa hore la sheegay in loogu adeegsaday dilkii qoraa reer Bulgaria oo lagu weeraray dalad suntaa la soo mariyey. Ciidamada Maraykanka ayaa adeegsan jiray suntan ricin sannadihii 1940-kii, halka sidoo kale wararka qaarkood sheegayaan in loo adeegsaday dagaalkii Ciraaq, sannadkii 1980-kii.

Somalilandpost.net