Warqad Furan Oo Ku Socota GuddOomiyaha Xisbiga Waddani

 

Waddani waa xisbiga ugu waqtiga yar marka la eego xisbiyadda imika dalka ka jira ee Kulmiye iyo Ucid, waxaana la asaasay sannadii 2012 xiligaas oo uu ka soo gudbay marxaladii ururnimada oo uu ka qaybgalay dorashooyinka golaha deegaanka ee dalka ka dhacday.

Xisbigu waxaa uu fursad weyn ka helay bulshada reer Somaliland heer uu gaadhay inay ucodeeyaan boqolkiiba afartan 40% dadkii wax dooranayay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacaday dabayaaqadii Sanadkii 2017, wallow aanu ku guulaysan haddana wuxuu ka cod badnaa xisbiyo ka waaweynaa.

Waddani waqtigan aynu joogno waa Xisbi mucaarid ah wuxuuna uu haystaa fursadii ugu weynayd ee wax ku mucaaridi lahaa lakiin kama uu faa,iidaysan waayo sababtoo ah waxa uu la kulmay xukuumadii ugu waxqabdka jilicsanayd uguna nugaylka badnayd taas oo meeshii la eegaba ku fashilantay, hadday noqoto wax kaqabashada Caafimaadka, Waddooyinka biyaha iyo Waxbarshada, marka la eego xagga xidhiidka arrimaha dibada, ictiraafi raadinta iyo galista heshiisyadda caalimiga ah waatii ugu gaabiska badnayd iyada oo heshiisyadii ay la gashay qaarka mid ah waddamo uu booqday Madaxweynah imika talada hayee Muuse Biixi ay noqodeen qaar dhicisoobay oo aan waxba ka hirgalin taas oo ay ugu danbaysay kii la lahaa basaboorka Somaliland ayaa lagu tagayaa waddanka imaaradka carabta.

Fursado badan oo laga faa,idaysan karayay way soo mareen Xisbiga Waddani taas oo lagu ku dhisi karayaayay awoodna loogu yeeli lahaa mucaaridnimada xisbigu uu ku dhaliilayo Adeeg la,aanta ay la tiicayaan bulshadii dalka, Maamul Xumada iyo musuq maasuqa xadhkaha goostay ee imika dalku ku suganayahay si uu u kasbado quluub ta dadweynaha hadhow doorashada marka la gaadhàna codkooda ugu meelmaro.

Guddomiyaha Xisbiga waddani waa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ah Musharixii doorashadii Madaxtooyada ee 2017 laga guulaystay, waa nin Ilaahay Edeb iyo Akhlaaq ku karaameeyay Aadmuhuna Af iyo Adinba ka nabgaleen, muddo 12 Sanno ah ayuu ahaa Guddomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland oo ah Masuulka saddexaad ee dalka usareeya, Odeygu waxa uu la qabsaday nolosha muxaafidnimada markii uu dibada uga soo baxay ee baneeyay Xilkii Guddomiyanimada iyo xildhibaanimada mucaaridnimadii waxay ku yeeltay waji kale oo ubaahan inuu waqti galiyo si uu ula qabsado, Mucaaridnimadiisii ugu horeysayna waxay noqotay inuu Komishankii Doorashooyinka Qaranka ee Doorashadii uu ku guuldaraystay qabtay uu kalsoonidii kala noqoday iyagoo aanu dhamaan waqtigii sharcigu u ogaalaa talabdaas ayaa ay dadka falanqeeya siyaasada ay ku tilmaameen il duuf siyaasadeed oo uu Guddomiyuhu ku dhacay isla markaana mudada ugu kordhiyay Golayaashii sharci darada ku fadhiyay.

Ninka kaliyaate maanta Somaliland lagaga dayan karo xagga mucaaridnimada waa Madaxweynaha imika xilka haya Mudane Muuse Biixi Cabdi kaas oo sidii madaxbaanaanid dalka loogu dhawaaqay ahaa Mucaarid isagoo oo xataa xisbigiisii uu ka tirsanaa ee Kulmiye oo talada dalaka gacanata ku haya uu mucaarid ku ahaa waana macalinka kaliyaate laga barankaro habaka waxa loo mucaarido loona gilgilsho dawladaha.

Madaama uu Madaxweyne Muuse Khibrad weyn uleeyahay habka wax loo mucaarido si aan xukuumadiisa jilicsan ee lagu masaalo sida keega aan loo mucaaridin dhamaan xisbiyadii dalka oo dhan waxa uu ka saaray awoodii ay wax ku mucaaridi lahayeen kaas oo markii uu arkay in xisbiyadu awodoodu isa soo tarayso ugu hanjabay in uu furayo Ururadii iyo asaxaabtii badnayd taasina waxay lafjab ku noqotay xisbiyadii dalka ka jiray oo iyaguna awood sidaa u badan ku lahayn bulshada dhexdeeda oo laga aaminsanaa inaanay xisbiyo qarana ahayn ee ay yihiin Ururo Niman Ama Reero leeyihiin, ugu danbayntii qodobkaa uu Madaxweynuhu sheegay waxay xisbiyadii dalka u horseeday inay noqdaan Wasaarad ka mid ah Wasaaradaha uu madaxweynuhu soo magaacabo isla markaana aan sheegi Karin dhaliisha xukuumada iyo wax qabad la’aanta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Waxa kale oo jira dagaalo kale oo uu madaxweynuhu ku la jiro Xisbiyada Mucaaridka gaar ahaan Xisbiga Waddani waxaa ka mid ah.

1: isku shaandahayn kasta oo uu sameeyo Madaxweyne Muuse waxaa uu magaacabaa haldoorka iyo dhalinyaradda ugu cad cad eek u jira Xisbiga Waddani ama dad ay isku jufo yihiin Guddomiyaha Xisbiga Waddani si uu u wiiqo taageerayaasiisha.

2: Masuul kasta oo ka tirsan Xisbiga Waddani isla markaana la arko inuu aad ugu dheeraynayo macaaradad xukuumada waxaa loo soo diraa cid ugu soo hanjabta inay dilayso ama waxaa la soo baadha tariikhdiisii hore taas oo haddii uu shaqo liidata markii hore ka shaqayn jiray inta warbaahinta lala soo fadhiisto lagu caayo sharftiisana meel lagag dhaco.

Cadooyinkaa lagu arkay xukuumada Madaxweyne Muuse waxay sababtay inuu hoos udhaco mucaaridkiisii isla markaana dagaalkaa uu ku hayo Xisbiga Waddani aanay ka warhaynin Madaxada sare ee xisbigu.

Maxay Tahay Fariinta Aan U Dirayo Guddomiyaha Xisbiga Waddani

1: Inuu Guddomiyaha Xisbiga waddani uu sameeyo isku shaandayn xisbiga u noqota qolof rid taas oo u badan xubanaha sarsare .

2: Inuu joojiyo magacaabistan uu samaynayo ee ubadan dhaliyarada sababtoo ah dhalinyaradu wax samayn ah kuma laha reeraha dhexdooda.

3: Inuu sharci adag ka soo saaro Inamadan yaryar ee magaca xisbiga ku hadalyee inatay shir jaraaid qabtaan haddan aan waxba laga faa’iidayn isla markaana dadka ka waaweyn caayay ama aflagaadaynaya taasina waxay hoos u dhigaysaa karaamadii xisbigu bulshada ku dhex lahaa .

4: Inuu sameeyo mucaaridad adag oo ku dhisan aqoon iyo waayo aragnimo

5: Inuu hagaajiyo Xidhiidhka warbaahinta iyo Xisbigiisa ka dhexeeya oo imika aad u liita.

 

WA BILAAHI TAWFIIQ

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine